X

Dawlada Imaaraadka Oo Cusbitaal Casri Ah Ka Furtay Magaalada Muqdisho

Muqdisho (ANN) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xadhigga ka jaray Cusbital casri ah oo laga dhisay magaalada Muqdisho.

 

Cusbitaalka oo ah mid cusub waxaa dhismihiisa maalgeliyey Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana loogu magac daray Sheikh Zayid Bin Sultan Al Nahyan oo ah Amiirkii hore ee dalkaasi.
Madaxweynaha Soomaaliya oo halkaasi hadal ka jeediyey ayaa ku ammaaney dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taageerada ay mar walba la garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana xaruntan cusub ay faa’ido badan u leedahay shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan mar kale mashruuc ballaaran oo ay Soomaaliya ka hirgeliyeen walaalaheena Imaaradka Carabta aan Muqdisho ka furo. Cusbitaalka casriga ah waxaa uu u addeegi doonaa shacabkeena, waxayna kaga maarmi doonaan adeegga caafimaad ee ay dibaddaha u doonaan jireen’’.

Munaasabaddaasi waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye ku Xigeenka Labaad ee Baarlamanka, Mudane Mahad Cawad, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamanka, diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post