X

Darasalaam Lagu Ogaaday In Lawsku Muhiimad Weyn U Leeyahay Caafimaadka Lafaha Carruurta

Araweelo News Network

Waalidka oo in badan hore loogula talin jiray inay ubadkooda siiyaan caano badan iyo cuntooyinka kale ee ay ku badan tahay macdanta kaalshiyam (Calsium) si caafimaadka lafahooduu fiicnaado, balse cilmi-baadhis ay soo saareen khubaro caafimaad oo u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa iftiimisay in lawska muhiimad badan u leeyahay koritaanka lafaha ubadka yaryar.
Daraasadan oo lagu soo bandhigay shir ay ururka dhakhaatiirta cudurrada carruurta ee Maraykanku ku yeesheen magaalada Washington DC toddobaadkan, waxay sheegeen in cuntada macdanta Magnesium-tu ku badan tahay door muhiim ah ka ciyaarto koriinka lafaha ubadka.
“Nafaqada badan waa furaha ubadka u horseedi kara inay lafahoodu noqdaan qaar caafimaad qaba, gaar ahaan cuntada Magnesium ku badan tahay, Calcium (kaalshiyam) laf ahaanteedu waa muhiim, balse cilmi-baadhistayada waxa nooga soo baxday in Magnesium ka faa’iido badan tahay,” ayuu yidhi Steven Abrams oo macallin cudurrada carruurta ah ku takhasusay oo wax ka dhiga Kulliyadda la yidhaa Baylor College oo ku taal magaalada Houston, daraasadana madax ka ahaa.
Khubaradan may sheegin in cuntada Magnesiumtu ku badan tahay sida lawska ay u fiican tahay lafaha dadka waaweyn.
Khubarada cilmi-baadhista samaysay waxay baadhitaan ku sameeyeen 63 carruur ah oo caafimaad qaba, kuwaasoo da’doodu u dhaxayso 4 jir ilaa 8 jir, waxaanay ka ilaaliyeen inay faytamiino amma macdano kale cunaan inta cilmi-baadhista lagu samayanayo, waxayna muddo lagu hayey cusbitaal, iyadoo la cabbirayey xaddiga Calcium ah iyo Magnesium ah ee jidhkooda ku jirta, cuntooyinka intii daraasadu ku socotay la siinaayeyna waxay ka koobnaayeen xaddiyo isku mid ah oo macdanaha Calcium iyo Magnesium ah, waxaana kaadida laga qaadayey muddo 72 saacadood ah.
Ugu dambayntii waxay cilmi-baadhistu ku soo gebagebawday in Magnesium aad u koriso awoodda iyo adayga lafaha carruurta, halka ay tilmaameen in macdanta kaalshiyamtu aanay la mid ahayn Magnesium oo ka awood yar tahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post