Araweelo News Network
“Mid ka mid ah saddex kiis oo asaasaqa ah ayaa laga hortagi karaa haddii dad badan ka taxadaraan caafimaadka maskaxdooda intay nool yihiin.” Sidaa waxa lagu sheegay daraasad caalami ah oo lagu lagu daabacay wargeyska arrimaha caafimaadka ee Lancet oo ka soo baxa dalka Ingiriiska.
Waxay daraasaddu taxday sagaal qodob oo sababi kara asaasaqa ayna ku jiraan waxbarasho la`aanta, maqalka oo la beelo, sigaar cabbidda iyo waxqabad la`aan jidhka ah.
Cilmi-baadhista ayaa lagu soo bandhigay shirkii caalamiga ahaa ee ururka asaasaqa oo ka dhacay magaalada London ee caasimadda waddanka Britain badhtamihii bishan July 2017.
Marka la gaadho sannadka 2050, 131 milyan oo qof ayaa laga yaabaa inay la noolaadaan asaasaqa guud ahaan dunida.
Waxa lagu qiyaasay 47 milyan dadka haatan xaaladdan ku nool.
Sagaal qodob oo ka qaybqaata khatarta asaasaqa:
• Maqalka oo la beelo da`da dhexe ee nolosha – waxay ka tahay 9% khatarta
• Iyadoo aan la dhammeysan waxbarashada dugsiga sare – 8%
• Sigaar cabbidda- 5%
• Inaan goor hore la raadin iska daaweynta walbahaarka – 4%
• Waxqabad la`aan jidhka ah – 3%
• Go`doomin bulsho – 2%
• Dhiig-kar heerkiisu sarreeyo – 2%
• Cayilka – 1%
• Nooca 2-aad ee macaanka – 1%
Qodobbadan oo lagu sheegay in wax laga beddeli karo – ayaa 35% qayb ka ah cudurka. Inta kale ee 65% khatarta asaasaqa ayaa loo maleynayaa inay yihiin kuwo aan wax laga beddeli karin.
Warbixintan oo isku soo ururisay baadhitaan ay sameeyeen 24 khubarro caalami ah, ayaa sheegtay in waxyaabaha la xidhiidha hab-nololeedka ay door weyn ka cayaari karaan yareynta khatarta qofku ugu jiro asaasaqa.
Waxay baadhiaan ku sameyneysaa dhisidda “keyd garasho,” oo macnaheedu yahay xoojinta xidhiidhada maskaxda si ay u sii shaqeyso muddo dheer iyadoo dhaawac uu jiro.
Mss Eve Laird oo ka soo jeedda degaanka Dumfries, waxay ka welwelsan tahay asaasaqa, sababtoo ah hooyadeed ayaa xaaladdan la nool.Waxay go`aansatay inay isbeddello ku sameyso hab-nololeedkeeda.
“Waxaan ibtilo ku qabay cunidda cuntooyinka la warshadeeyay iyo kuwa fudud, waxana dhab ahaantii isku dayay inaan taas wax ka beddelo.
“Waxaan cabbaa biyo ka badan intii aan cabi jiray – mana cabbo hadda kafey badan sidii hore.
“Waxaan xaqiiqdii ka qaybqaatay oroddada Edinburgh. Sidaa darteed, waxaan ku biiray ururka oroddada ee Dumfries – Waxaan halkaas tagaa toddobaadkiiba mar.”
Waxay sheegeysaa inay wax badan isaga garatay jimicsiga iyo wax-ka-beddelka cuntada ay qaadato.
“Waxaan dareemay caafimaad badan iyo sidoo kale garasho dheer maskax ahaan. Waa wax aan runtii doonayo inaan sii wado, balse way adag tahay in la joogteeyo.”
“Waxaan u maleynayaa in isbeddellada yar sameyn karaan isbeddel weyn.”
Inaan la dhammeysan waxbarashada sare ayaa aad uga qayb qaadata asaasaqa, qorayaasha warbixinta ayaana soo jeedinaya in dadka sii wata waxbarashada noloshooda dhan laga yaabo inay dhisaan keyd maskaxeed oo dheeraad ah.
Khatar kale oo sare ayaa lagu sheegay inay tahay maqalka oo la beelo inta lagu jiro da`da dhexe – baarayaasha ayaa sheegaya in tani ay u diidi karto dadka inay ku noolaadan deegaan garasho sare leh ayna u horseedi karto go`doomin bulsho iyo walbahaar, oo ka mid ah waxyaabaha sababi kara asaasaqa ee wax laga beddeli karo.
Farriin kale oo muhiim ah oo warbixinta lagu sheegay ayaa ah in waxa u wanaagsan wadnaha ay sidoo kale u wanagaasan yihiin maskaxda.
‘Isbeddello wanaagsan’
Inaan sigaar la cabin in jimicsi la sameeyo, in culeys caafimaad leh la joogteeyo, in la iska daweeyo dhiig karka sarreeya iyo macaanka ayaa dhammaan yareyn kara khatarta asaasaqa, iyo sidoo kale cudurrada wadnaha ku dhaca iyo kansarka.
Xigasho: Lancet Commission on dementia prevention, intervention and care