Araweelo News Network

tacliintaDalka Finland oo ku yaal qaaradda Yurub, ayaa kaalinta koowaad kaga jira tayada qiimaynta tacliinta waddamada caalamka, kaasoo hadda go’aansaday in hannaanka waxbarasho wax laga beddelo oo la keeno hab casri ah oo la jaanqaadi kara qarniga 21aaad.
Saraakiisha tacliinta ee Finland waxa ay doonayaan inay man-hajka waxbarasho ee dugsiyada ka saaraan maadooyinka fasallada lagu dhigto ee fisigiska, xisaabta, suugaanta, taariikhda iyo juquraafiga.
Mr. Marjo Kyllonen oo ah Madaxa Waaxda Tacliinta ee Helsinki, ayaa isagoo sharraxayey wax-ka-beddelka ay damacsan yihiin waxa uu yidhi; “Waxa jira dugsiyo hannaankii qadiimiga ah loo dhigo oo faa’iido lahaa bilawga sannadkii 1900aadkii, laakiin baahida hadda jirtaa la mid maaha, waxaanan doonaynaa wax la jaanqaadi kara qarniga 21aad. Halkii maado-maado loo dhigan lahaa, ardaydu waxay baran doonaan dhacdooyin iyo tusaalayaal hannaan horumarsan ah. Tusaale ahaan, dagaalkii labaad ee adduunka waxa laga eegi doonaa, lagana baadhi doonaa dhinaca taariikhda, juquraafiga iyo xisaabta, iyadoo hal kooras laga dhigayo. Halkii qofku noqon lahaa mid bohol ku shaqaynaya, waxa ay baran doonaan ardaydu cilmi ballaadhan oo ku saabsan luqadda Ingiriisiga, dhaqaalaha iyo xirfadaha xidhiidhka.”
Hannaankan waxa lagu tijaabin doonaa ardayda ugu sarraysa ee da’doodu ka bilaabanto 16 jirka, waxaanay fikradu tahay in ardaygu uu dooran karo mawduuca amma waxa uu doonayo inuu barto, iyadoo maanka lagu hayo hammigooda mustaqbalka iyo waxa ay awood u leeyihiin.
Sidoo kale, waxa nidaamkan shardi ah in aan ardayna looga baahnayn inuu gudbo maadooyinka sida caadiga ah dugsiyada loogu dhigto, balse loo baahan yahay inuu ka fikiro waxa uu u baahan yahay inuu barto ee uu aqoon ka helayo.
Waxa kale oo wax-ka-beddel lagu samayn doonaa hannaanka ardayda iyo macallimiintu u wada xidhiidhaan, waayo ardayna ma fadhiyi doono kursi iyo miis, loogama baahna inuu sugo inuu ka jawaabo su’aalo la waydiiyey, hase ahaatee waxa ay u wada shaqayn doonaan koox koox si ay uga doodaan xalka arrinta la waydiiyey.
Hannaanka tacliinta Finland (Finish Education System) waxa uu dhiirrigelin doonaa in wada jir ardaydu shaqooyinka u qabtaan si loo helo bulsho wada jir ah, iyadoo arrintana macallimiinta saamayn ku yeelan doonta, sababtoo ah waxa loo baahan yahay in xidhiidh wada-shaqayneed ay yeeshaan macallimiinta maadooyinka kala duwan dhiga. Ku dhawaad 70% barayaasha wax ka dhigi doona waxa la siiyey shaqo bilow ah oo ku saabsan nidaamkan cusub oo lagu tababaray.