X

Dal Afrikaan ah oo ku Hawlan Inuu Yagleelo 90 Xarumood oo Kansarka Lagu Daweeyo Sannadkan Gudihiisa

Araweelo News Network

Dawladda Tansaaniya, ayaa qorshaynaysa in ay samayso 90 xarumood oo lagu daweeyo cudurka kansarka si loo xaqiijiyo himilo dalkaas ka leeyahay in la daweeyo noocyada kala duwan ee kansarka, sida kansarka naasaha iyo ka ku dhaca xubnaha taranka.
Sida lagu baahiyey wargeyska Daily News oo Jamhuuriya soo xigtay, Bangiga adduunka oo mashruucan maalgelinaya, ayaa hore u sii daayey 2 bilyan oo doollar si bisha June ee 2017 loo gaadho hadafkan lagu samaynayo xarumaha daawaynka cudurka kansarka.
“Waxa aannu doonaynaa in aannu tobabarno 180 khubaro caafimaad ah oo xarumahan ka hawlgala, taas macnaheedu waa in aannu laba qof oo kastaba goob geynayno” ayuu yidhi Wasiirka Caafimaadka, Horumarinta Bulshada, Arrimaha lammaanaha, dadka waaweyn iyo carruurta ee dalka Tansaaniya Ms. Ummy Mwalimu oo shir jaraa’id qabatay.
Sida ay Sheegtay Mwalimu, waxa 70% dadka bukaanka ah ee Tansaaniya ay tagaan mac-hadka ORCI (Ocean Road Cancer Institute) marka uu cudurkan gaadho marxaladda saddexaad amma afraad.
Dalka Tansaaniya waxa lagu qiyaasaa in 50,000 (konton kun) kiis oo kansar ah sannad kasta laga helo, iyagoo 11.4% ka mid ah uun helaan dawo. Sida hay’adaha caafimaadka adduunku sheegtay waxa caan ka ah Qaaradda Afrika h kansarka xubnaha taranka kaga dhaca haweenka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post