X

Dadku Akhriska Degdegga ah Waxba Kama Faa’iidaan, Macluumaadka ay Akhriyeena ma Fahmaan

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis cusub, ayaa daboolka ka qaadday in akhriska degdegga ah aan waxba laga faa’iidin, isla markaana macluumaadka qofku akhriyey aannu waxba ka dheefin amma ka fahmin.

Daraasaddan oo tobanaan sanno qaadatay waxa lagu ogaaday in dadka degdegga wax u akhriya aanay waxba ka xasuusan waxa ay akhriyeen.
Baadhitaankan sannadaha la waday oo ku saabsanaa cilmi-baadhis lagu hayey cilmiga akhriska, ayaa khubaro cilmi-nafsiga ku takhasustay ay ku ogaadeen caddaymo dhawr ah oo ay ku taageerayaan natiijadooda tilmaamaysa in dadka degdegga wax u akhriyaa ay muddo yar uun fahansanadaan amma hayaan macluumaadka ay akhriyeen oo aanay hadhaw waxba ka garan, gaar ahaan markay muddo ka soo wareegto.

“Akhriska degdegga ah ee in badan dadka lagu tababara, gaar ahaan waqtiyadan dambe waxa soo baxay tiknoolajiyad qofka u sahlaysa inuu degdeg wax u akhriyo. Waxa aannu baadhitaan ku samaynay cilmiga akhriska si dadka loogu dhiirrigeliyo in ay qataan go’aanka shirkadaha soo saara qalabkan akhriska dedejiya ay ku dhiirradaan iyo inay tababarro akhriska ah qataan.” Sidaa waxa tidhi Elizabeth Schooter oo ah khabiirad cilmi-nafsiga ku takhasustay oo wax ka dhigta Jaamacadda University of Califrona, isla markaana daraasaddan qayb ka ahayd.
Macluumaadka cilmi-baadhista ka soo baxay waxa uu muujiyey in aannu jirin deg deg dadku wax ku fahmaan marka ay timaad xagga akhriska, balse loo baahan yahay in la fahmo, lana xasuusnaado waxa la akhriyey.

Cilmi-badhayaashu waxa ay sheegeen in wax akhrisku yahay shay la barto, maskaxduna u baahan tahay in ay fahanto waxa la akhriyaayo, waxaanay sheegeen in qofku degdeg ku akhriyo karo celcelis ahaan 200 ilaa 400 kelmadood daqiiqaddiiba, halka qalabyada tiknoolajiga hadda la soo saaray ay xawaare aad u badan u sahlaan inuu qofku wax ku akhriyo, balse aanu macluumaad badan kala tegin.

Cilmi-badhayaashu waxa kaloo ay sheegeen in akhriska dul-marka ah uu fiican yahay, marka qofku kala dooranayo macluumaadka qoraalka uu akhriyayo, gaar ahaan markuu qofku xiisaynaayo waxa uu akhriyayo, aadna u fahmo.
Daraasaddu waxa ay tilmaantay in akhriska degdegga ah ku fiican yahay marka qofku mawduuca hore u yaqaannay, xog badana ka hayey, isla markaana u fududaanayso inuu macluumaad badan kala baxo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post