X

Daawo Lagu Oggaanayo Xannuunka Kansarka

Washington(ANN)Khubaro ka tirsan Jaamacadda Stanford University oo ku taal Gobolka California ee dalka Maraykanka, ayaa ku dhawaaqay in ay soo saareen daawo, gaar ahaan kinniin lagu ogaanayo dadka qabana xannuunka Kansarka.
Kinniinkan, ayaa khubaradu sheegeen in marka la liqsiiyo qofka kinniinkaas, dhiiggiisana baadhitaan lagu sameeyo si fudud lagu ogaan karo inuu qabo xannuunka kansarka iyo in kale.
Cilmi-baadhistan waxa lagu ogaaday in daawadan marka uu qofku liqo ay unugyada kanasarka qaba ku qasbayso in ay dhiigga ku sii daayaan booratiino khaas ah. Waxa la rajaynayaa in daawadan noqon doonto mid wax badan ka tarta baadhitaanka cudurka kansarka oo aad u adag tahay in si fudud lagu ogaadyo.
Cilmi-baadhis hore oo ay sameeyeen khubaro la kala yidhaa Ronald iyo Sanjiv Gambhir oo muddo laba sanno ka hor ah lagu daabacay jariirada National Academy of Science la yidha, ayaa bedka soo dhigtay in si fudud dhiigga qofka looga ogaan karo kansarka
Kooxda Jaamacada Stanford ka socoday, ayaa dadka ay baadhitaanka ku sameeyeen siinayey daawo ka kooban dheecaanka DNA oo ay ugu talogaleen in ay ku burburiyaan unugyo jidhka ee kansarka qaba, DNA ay siinayeen oo la yidhaa Minicircles waxa uu ku khasbayey unugyadaas in ay jidhka ku sii dayaan booratiino, lagu ogaanayo in xannuunkan qofku qabo.
“Waxa aanu helnay dheecaanka DNA boraatiino ku jira oo keenaya in lagu ogaan karo kansarka, sababtoo ah qofka bukaanka ah marka la siiyo waxa dhiiggaas laga ogaanayo in qofkan khatar ugu jiro kansar,” ayey khubaradan ku yidhaahdeen waraaq ay ku soo bandhigeen shirka ay u shaaciyeen cilmi-baadhistooda.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post