Xannuunada halista ah ee kelyaha ku dhaca oo ay adag tahay daawadoodu waxay dalka Maraykanka oo kaliya saameeyeen 26 milyan oo qof. Waxa halis ugu jira kelyaha in ay fadhiistaan dadka ay hayaan xannuunada macaanka, dhiig-karka.
Haddaba, warka farxada leh ayaa ah in qofku uu yarayn karo xaddi kelyuhu ku xannuuni karaan, isagoo isticmaalaya cunto uu si joogta ah u heli karo, cuntooyinkan soo socdaana waa qaar faa’iido u leh kelyaha:
1. Toonta
Toonta daraygaah ee aan shirkad iyo wax soo marin, waxay faa’iido u leedahay in ay ka hortago caabuqa, isla markaaha hoos u dhigto duxda., waxaanay ilaaliysa caafimaadka keliyaha, sababtoo ah waxa la xaqiijiyey in qofka quuta toonta aanu ku dhicin cudurka kansarka, kelyaha ka ilaaliso inuu caabuq gaadho.
2. Beedka Cad
Beedka cad waxa ku badan faytamiinada iyo macdanaha jidhku u baahan yahay, guud ahaana caafimaadka qofka wuu wajaaniya. Beedka cad wuxuu ka kooban yahay booratiin, waxaana ku yar macdanaha Potasium iyo Phosphorus, balse waxa ku jirta macdanta Iron oo kelyaha qaabaysa, beedka noocan ah waxa aad ugu yar duxda, kelyaha iyo caafimaadka qofkana waxba ma yeelo.
3. Basasha
Sida toonta oo kale, basashun waxxa weeyaan Antioxidants, taasoo la dagaalanta kansarka iyo wadno-xanuunka, qofka qaydhinka ku cuna basasha kuma dhaco caabuqa xubnaha soo gaadha, gaar ahaan xannuunada kelyaha asiiba wuu ka badbaada.
4. Beedka Darayga
Beedku biyo qabaw lagu maydha, gaar ahaan nooca loo yaqaan Salmon, trout, Herring iyo Sardines waxa ku badan booratiinka iyo macdanta loo yaqaan Omega-3 Fatty Acid, kaasoo jidhka bina’aadamku aannu awood u lahayn inuu sidiisa u soo saaro. Dadka quuta beedka darayga ah waxa ay ka badbadaan xannuunada ay ka midka yihiin wadno-xannuunka, dhiig karka iyo beer subaga, taasoo macnaheedu tahay in kelyahiisuna badbaadayaan.
5. Tufaaxa
Tufaaxa waxa lala xidhiidha inuu si khaas ah daawo uga yahay xannuunada Kansarka, wadno xannuunka iyo subagawga jidhka ku yimaada, sidoo kalena ay ku jiraan walxo ka hortaga caabuqa xubnaha jidhka ku yimaada, kelyahana si gaar ah wuxuu u siiyaa macdan faa’iido u leh caafimaadkooda.
Saynisyahanno Sheegay in ay Turjumeen Luuqadda Lo’du ku Wada Xidhiidho
Khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in cida lo’du samayso ay turjumeen, isla markaana ay ogaadeen luuqada ay ku wada xidhiidhaan xayawaankan.
Macnaha “Moo”, ayaa khubaradu sheegeen in ay duuben, isla markaana falanqeeyeen habka lo’du isku afgartaan.
Cilmi-badhayaashan u dhashay dalka Inbiriiska, waxa ay sheegeen in laba hab lo’du isugu yeedhaan marka ay wayeelaha ay dhalaan, iyadoo ay ku xidhan tahay hadba masaafada ay u jiraan. Waxa kale oo ay sheegeen in uu jiro cod wayluhu kula xidhiidhaan hooyooyinkood marka ay doonayaan in ay jaqaan.
Kooxdan oo cilmi-baadhistoodu ku guda jiray muddo bilood ah si ay daboolka uga qadaan luuqada lo’du isku fahanto ayaa sheegay in lo’dumarka ay wayeeshada yar u dhawdahay ay sameeyaan cod naxariis leh oo ay ka muuqato in ay doonayo inay daryeesho ilmaheeda.
Haddaba, codba codka uu ka dheer yahay ayaa muujinaaya in wayshuhu aad uga fog tahay hooyadeed, halka iyada laftar ahaanteedu marka ay doonayso inay caano jaqdo ay cod gooni ah samayso.
Khubaoradan waxay sheegeen in saddexda cod ay dadka ula muuqdaan in ay isku wada mid yihiin, isla markaana aan si fudud lagu kala saari karin, balse ay iyagu duuben, adeegsadeena hab casri ah oo ay ku kala sareen codadkaas.
Dr.Monica Padilla De la Torre oo ka socotay Jaamacadda Nottingham, ayaa sheegtay in neef kasta oo lo’ ah uu cod gaar ah leeyahay, balse marka ay wada xidhiidhayaan ay isku mid yihiin.
Kooxda khubarada ay waxay tilmaameen in xataa neefku marka uu murugaysan yahay codkiisu ka duwan yahay codka marka uu caadiga ah sameeyo.
“Natiijadayadu waxay sheegaysa in baadhitaan fiican lagu sii samayn karo daryeelka xoolaha, loona baahan yahay in wax badan laga sii ogaado si loo dhaqdo, loona munaafacaadsado xoolahan,” ayuu idhi Dr. Alan McElligot oo ka tirsan Jaamacadda Queen Mary ee magaalada London oo daraasadan qayb laxaad leh ka qaatay.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com