X

Cuntooyin u Wanaagsan Caafimaadka Indhaha. Qaybtii 2aad

Caleenta Cagaaran:
Caleenta cagaaran waxa ka mid ah salladhka, kaabashka, kostada iyo wixii la hal maala ee dadku cunaan amma khudaar ka dhigtaan, waayo caleemta cagaaran waxa ku jira maadooyinka Antioxidants, Zeaxanthin iyio Luetin oo ay kaydsato qaybta la yidhaa Macula ee ka tirsan isha, waana qayb ka mida Retina oo ah qaybta sida dabiiciga ah marka cadceeddu qofka qabato indhaha xidha amma isha ka difaacda iftiinka badan.
Sidoo kale, Antioxidants-ka laga helo caleenta cagaaran waxay nuugaan laydhka buluugga ah oo dhab ahaantii khatar badan u keena qaybta Retina la yidhaa ee indhaha amma waxay qofka u keenaan inuu si fiican midabadda u kala garto, waxaanay cilmi-badhayaal badan sheegeen in maadooyinka Zeaxanthin iyo Lutein ay hoos u dhigtaan halista cudurrada indhaha ku dhaca sida in qofku indho beelo marka uu da’ noqdo.
Caleenta cagaaran ee khudaar ahaanta loo cuno waxay sidoo kale u fiican yihiin caafimaadka guud ee qofka, sababtoo ah waxa ku jira macdanaha Potassium, Magnesium Folate, faytamiin E iyo KA iyo weliba Antioxidants si ay unugyada u difacaan amma xannuunka asaasaqa uga hortagaan..
Arabikhida:

Mid mid ah hadhuudhka amma firilayda ugu wanaagsan waa arabikhida oo ay ku badan yihiin maadooyinka ka midka yihiin Zeaxanthin iyo Lutein oo u wanaagsan indhaha, waxayna indhaha siisaa haddii qofku koob badhkii cuno 1.8 gram oo midab-sameeyeyaasha indhaha ah.
Arabikhida waxa ku badan faytamiinnada C, B5 (Pantothenic Acid), B1 (Thaimin) iyo Folate, sidoo kalena waa il muhiim ah oo laga helo macdanaha ay ka midka yihiin Magnesium, Phosphorus, Iron, Copper, Manganese, Zinc oo jidhka bani’aadamka ka caawisa inuu kansarka, macaanka iyo wadne-xannuunka iska difaaco.
Tamaandhada:


Tamaandhada amma yaanyadu waa il muhiim ah oo haddii la cuno laga helo maadada Carotenoid oo ay ku sii jirto Lycopene oo ah maadada dhabta tamaandhada midabka casaanka u samaysa.
Daraasad laga sameeyey ayaa sheegtay in maadadaasi indhaha, gaar ahaan qaybta Retina ka difaacdo laydhka dhaawac ku keeni kara. Sidoo kale, waxay maadadani ka hortagtaa amma unugyada jidhka ka difaacdaa dhaawaca uu u keeno cudurka kansarka ee ku dhaca xubnaha taranka, caloosha iyo sambabada.
Waxa kaloo tamaadhanada aad ugu badan faytamiin C oo isagu indhaha ka ilaaliya in aragu ka tego amma dhaawac ka gaadho xagga aragga, waxaannu u saamaxaa in Iron jidhku ka nuugo cuntada qofku quuto.
Baradhada:
Baradhadu waa cuntooyinka lagu tiriyo macaanka, waxaanay aad waxtar u tahay caafimaadka indhaha, sababtoo ah sida kaarooga waxa ku badan madooyinka Beta Carotene, Faytamiinada A iyo C, fiirlayda, macdanaha Manganese iyo Potassium oo dhammaantood u fiican caafimaadka indhaha.

By. Abdullaahi Beershiya.

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post