X

Cudurro Halis ah oo Hadheeyey Qaybo Badan oo ka Mid ah Ciidammada Ingiriiska

Araweelo News Network

London(ANN)Ciidamo tiradoodu ku dhawdahay 10 kun (10,000) askari oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee millatariga Ingiriiska, ayaa laga helay cudurro halis ah oo lagu kala qaado sinaysiga amma galmada xaaraanta ah.
Xogo uu helay wargeyska Daily Mirror ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay shalay, baadhitaanno lagu sameeyey ciidanka millatariga UK, gaar ahaan guutooyinka waajibaadka shaqo gudanayey muddada u dhexaysay sannadihii 2012 ilaa 2016, waxa laga helay cudurada la isugu gudbiyo galmada ee loo yaqaan STIs (sexually transmitted infections), xannuunadaas oo uu ugu xun yahay fayrsaska HIV ee dhaliya cudurka AIDS-ka.
Sida baadhistu iftiimisay, waxa cuduradaas halista ah qaba 9,341 (sagaal kun, saddex boqol, afartan iyo kow) askari oo ka mid ah 87,000 (toddoba iyo sideetan kun) oo ah ciidanka Ingiriiska ee waqtigan hawlaha shaqo loo diro, iyadoo tiradaasi noqonayso 10% guud ahaan millatariga Ingiriiska.
Muddada baadhista la sameeyey, waxa la arkay 100 askari oo qabaha fayraska HIV ee dhaliyaha cudurka AIDS-ka, kuwaasoo 73 ka mid ah yihiin rag, halka inta kalena tahay haween ciidan ah, waxana shaqada laga fadhiisiyey, isla markaana hawlgab laga dhigay tiro ku dhaw 10 kun oo millatariga Ingiriiska sababo la xidhiidha cudurrada halista ah ee laga helay.
“Inta badan waaxda caafimaadka ee ciidammadu waxay askarta u qaybiyaan cinjirka la yidhaa kondhomka, iyadoo loo sheego halista ka dhalan karta galmada bilaa rabadhka ah (condom), laakiin nasiib-darro waxa jira halis badan oo haysta ciidammo ka tirsan saldhigyada millatariga, waana arrin walaac xun nagu beertay.” Sidaa waxa yidhi sarkaal sare oo ka tirsan millatariga Ingiriiska oo la hadlay wargeyska The Daily Mirror.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post