X

Cudurka Shuban-biyoodka oo ka Dillaacay Degaanno ka Mid ah Gobolka Awdal

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Cudurka Shuban-biyoodka ah ee ka jira dalka, ayaa dib ugu soo laba-kacleeyey deegaanno ka tirsan Gobolka Awdal oo hore looga xakameeyey kadib markii uu ka dillaacay.
Xannuunkan ayaa labadii maalmood ee u dambeeyey ay u dhaceen dad tiradoodu gaadhayso ilaa konton qof oo la dhigay cusbitaalka guud ee magaalada Boorama oo xaaladooda lagu dabiibayo.
Masuuliyiinta Maamulka gobolka Awdal, kuwa degmada Boorama iyo madaxda Caafimaadka ee gobolka, ayaa kormeeray goobaha laga helay kiisaska cusub ee Shubanka, gaar ahaana xabsiga dhexe ee magaalada Boorama.
Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Boorama oo warbaahinta la hadlay, ayaa xaqiijiyey in laba maxbuus oo ku jiray jeelka.
“Sababta gurmadkan keentay waxa weeye waxaannu ku aragnay xabsiga laba qof oo shuban hayo, labadiiba waxaannu dhignay cusbitaalka, aad bay iminka u fiican yihiin oo wax looga qabtay, jeelkana weli waxa ku jira calool-xannuun yaryar iyo shuban ilaa dhawr qof waxa lagu daweeyey xabsiga dhexdiisa,” ayuu yidhi Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Boorama.
Sidoo kale, Maayar-ku-xigeenka degmada Boorama, ayaa isna sheegay in xannuunka laga helay afartan qof labadii maalmood ee u dambeeyey degmada Boorama, waxaannu yidhi, “Doorkii hore markii Shubanku uu halkan Gobolka Awdal ka dillaacay dadaal fiican baynu samaynay, Ilaahayna wuu innagu garabgalay oo uu aad u yaraaday gacanta lagu dhigay oo yaraaday sida dhakhaatiirtu innoogu sheegay warbixinta, laakiin labadan maalmood ee u dambeeyey ilaa afartan kiis oo cusub ayaa soo dhacay.”
Masuuliyiinta caafimaadka ayaa iyaguna sheegay in dad gaadhaya lixdan qof oo cusub ay u soo dhaceen xannuunka Shuban-biyoodka maalmihii u dambeeyey Gobolka Awdal, taasi oo ka dhigay in tirada kiisaska uu saameeyey xannuunkani ka badan tahay siddeed boqol oo qof gobolka tan iyo markii uu ka dillaacay bishii March ee sannadkan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post