X

Cilmi-baadhisyo ka Jawaabay Su’aasha ‘Moobaylku ma Sababi Karaa Cudurka Kansarka?’

Araweelo News Network

Waxa su’aal adag noqotay, isla markaana ay in badan saynisyahannadu ku muransanaayeen in shucaaca (radiation) uu sii daayo moobaylku uu sababo cudurka kanskarka, sidaa darteed sannadkii 2011 ayaa Hay’adda Cilmi-baadhista Kansarka ee IARC (International Agency for Research on Cancer) sheegtay in shucaaca ka baxa moobaylka amma telefoonka gacantu uu keeno kansarka ku dhaca maskaxda qofka.
Xogta hay’adda cilm-baadhistu adeegsatay ayaa ahayd mid ay bulsho dunida ku kala firiqsan ka soo qaaday si ay uga dhigato caddayn amma markhaati muujinaya in shucaaca telefoonku sababo kansarka.
Sidoo kale, daraasad hadda soo baxday oo uu Midowga Yurub ku maalgeliyey koox la yidhaa INTERPHONE Group iyo koox kale oo uu hoggaaminayo khabiir la yidhaa L. Hardel oo u dhashay dalka Sweden, ayaa bedka soo dhigtay in moobaylku uu keeni karo kansarka maskaxda ku dhaca qoyaastii 40% ilaa 170%, gaar ahaan dadka isticmaala wax ka badan 30 daqiiqo oo xidhiidh ah muddo kor u dhaafsan toban sannadood.
Waxa kaloo daraasaddu sheegaysaa in shucaaca telefoonka gacantu sabab u noqon karo kansarka waxa sii xoojiyey labada daraasadood oo caalami ah oo hore loogu caddeeyey arrintan, tusaale ahaan daraasad la daabacay sannadkii 2013-kii oo ay samaysay xarunta la yidhaa Cerenat oo khubarada daraasadan soo saartayna caddayn ahaan u cuskadeen.

Sidoo kale, daraasad xayawaanka lagu tijaabiyey 2015 shucaaca telefoonka gacanta ayaa bedka soo dhigtay suurtagalnimada shucaada moobaylku (Mobile Radiation) uu ku sababi karo kansarka maskaxda oo ay ku sheegtay inuu hubaal yahay.
Cilmi-baadhisaha arrintan isku raacay waxa ay sheegaan in moobaylka isticmaalkiisu mar kasta oo uu sii bato uu kansarkuna sii badanayo, iyagoo tusaale u soo qaatay kor u kaca cudurka kansarka ee bulshada caalamka tobankii ilaa 20 sanno ee u dambeeyey ku yimi.
Inkastoo ay jiraan waxyaabo iska hor imanaya oo ku saabsan caddaymaha (Evidence) muujiyey korodhka kansarka maskaxda ku dhaca iyo daraasadahan muujiyey in xaddiga kansarka maskaxda ku dhaca ee bulshadu uu sabab u yahay moobaylka.
Cilmi-baadhayaasha waqtigan daarasada ka soo saaray arrintan waxa ay isku raaceen in shucaaca moobaylku sabab ku leeyahay kansarka maskaxda ee waqtiyada bulshada dunida aafeeyey.
Ugu dambayn daraasadii ugu dambaysay oo natiijadeeda la daabacay bishii May 2016, taasoo ay soo saareen Hay’adda Maraykanka u qaabilsan cilmiga waxyaabaha suntan ah (US National Toxicology Program), ayaa iftiimisay in moobaylku saamayn ku yeelan karo kansarka ku dhaca maskaxda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post