X

Cilmi-baadhis: Shaaha Cagaaran oo Hormuud u Noqon Karo in la soo Saaro Daawo Cusub ooo Kansarka Lagaga Hortago

Araweelo News Network

Hore waxa loo ogaa in waxyaabaha duxda ku yar tahay ay dhiigga jidhka qulqulaya u saamaxaan inuu si fiican u socdo, isla markaana qofku ka badbaado inuu wadno-xannuun ku dhaco, waxa hadda khubaro u dhalatay Singapore sheegeen in shaaha cagaaran loo isticmaali karo daawo cusub oo lagaga hortago cudurka kansarka.
Kiimikooyin khudaarta qaar laga helo ee booratiin ka kooban, ayaa la ogaaday in cudurkan ay la dagaalami karaan, sida lagu iftiimiyey cilmi-baadhis uu sameeyey mac-hadka Institute of Bioengineering and Nanotechnology oo ku yaal dalka Singapore.

Shaaha cagaaran waxa ku jira kiimiko loo yaqaan Catecins, taasoo ka masuul noqota in shaaha caafimaad laga helo, kana hortagi karto cudurka kansarka, haddii Ilaahay sidaas qadaro.

Dr. Joo Eun Chung iyo saaxiibadiisa daraasadan sameeyey waxay soo bandhigeen booratiin la yidhaa Herceptin, kaasoo ka hortagi kara kasarka, waxaanay sheegeen inuu si toos ah u weeraro halka kansarku ka samaysmayo, taasina ay hormood u noqon karto daawo faa’iido badan caalamka u yeelata oo xannuunkan lagula dagaalami karo.

“Marka la samaynayo daawo, waxa muhiim ah in xaddiga maquullka ah la ogaadyo, sababtoo ah haddii qofku xaddiga loo baahan yahay in ka baddan isticmaalo waxxay sababi karta khatar badan, sidaa darteed waxaannu ku tijaabinaysa daawadan jiir,” ayuu yidhi Dr, Joo.

Cilmi-baadhayaashu waxay kiimikooyinka iyo booratiinka ay ka heleen shaaha ku mudeen jiir, kadibna waxxay ogaadeen in daawadoodu si toos ah u bartilmaameedsanayso halka kansarku ka bilaabmo, kadibna ka hortagayso inuu koro amma uu dhiigga raaco, iyagoo sheegay in taasi albaabka u furi karto in shaaha cagaaran laga sameeyo amma uu hormood u noqdo daawo kansarka lagula dagaalamo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post