X

Cilmi-baadhis Lagu Oggaaday In Akhrinta Buugaagta Malaawaalka Ah Qofka ka Caawin Karaan Fahamka Qaab-fikirka Dadka Kale

Araweelo News Network

Daraasad hadda la soo saaray, ayaa lagu sheegay in qofka caadaysta akhrinta buuggaagta xambaarsan sheekooyinka mala-awaalka ah (Fiction novels) ay u fududaato inay fahmaan qaab fikirka dadka kale, iyadoo sidoo kale la tilmaamay in buugta noocaas ah kobciyaan fikirka iyo garaadka dadka.
Waxa ay arrintan muujinaysaa in buuggaagta sheeko-xariireedka ah ee dhaqannada bulshada laga dhaxla ay qofka ka caawiso inuu dadkiisa si fiican u fahmo.
Keith Oatly oo Jaamacadda Toronto ee dalka Kanada ka tirsan, gaar ahaan kulliyadda cilmi-nafsiga iyo horumarinta aadamaha, ayaa tilmaamay in darseen saamaynta akhrinta qormooyinka mala-awaalka ah ay ku leeyihiin qofka, waxaannu xusay in ay u soo baxday natiijo ah in qormooyinka mala’awaalka ay saamayn ku yeeshaan qofka.
Daraasaddan oo lagu daabacay wargeyska Trends in Cognitive Science oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa dadka cilmi-baadhista laga qaaday qayb ka mid ah la tusay 36 sawir oo kala duwan, gaar ahaan in ay eegaan indhaha qofka sawirka ku jiray, kadibna ay maleeyaan qofkaas waxa uu ka fikirayey xilliga sawirka laga qaaday. Waxa soo baxday in ay dadka qaar si fiican u garteen oo ay ku guulaysteen malayntoodii, isla markaana si sax ah u sheegeen waxyaabaha dadku ka fikirayeen.
Aakhirkii baadhitaan ay khubaradu sameeyeen waxay ogaadeen in dadka akhriya sheekooyinka amma buuggaagta mala-awaalka ay ka caawiyeen inay si fudud u fahmi karaan qaab fikirka dadka kale.
Sidoo kale, waxa ay daraasaddu sheegtay in arrintan ay la mid tahay dadka daawada filimada taxannaha ah ee mala-awaalka ah (Fictional TV drama) amma isticmaala ciyaar kombuytareedka u baahan fahamka iyo maskax ka shaqaysiinta.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in daraasado badan sheegeen in dadka sida aadka u akhriya buuggaagta noocan ah ay yihiin qaar aad u yaqaan dhaqanno kala duwan oo badan, taasina ay keento in aanay xadgudubyo kula kicin dad kale dhaqannadooda amma aanay ku takoorin.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post