X

Cilmi-baadhis Lagu Ogaaday In Haddii Aad Wax La Cunto Dadka Amateedku U Furan Yahay Aad La Mid Noqonayso

Araweelo News Network

Dadku badankoodu ma yaqanaan sida ay u saamayn karto haddii uu wax la cuno qof amateedku u furan yahay, balse cilmi-baadhis cusub, ayaa bedka soo dhigtay in dadka buurbuuran ee cuntada badan cunaa ay cunista cuntada u furaan qofka amateedku ka xidhan yahay.

Cilmi-baadhayaal ka tirsan Jaamacadda Cornel University qaybteeda cuntada, taasoo kaashatay xarumo caafimaadka lagu baadho, waxay ay qado ku casuumeen 82 mac-had ardaydooda, gaar ahaan cunto ka kooban baasto iyo saladh, kadibna waxay u kala qaybiyeen afar kooxood.

Koox ka mid ah waxa la raaciyey qof iska dhigaaya inuu cunto caafimaad badan raadsanaayo, gaar ahaan aad u cunaya salladhka oo baastada diiday, halka qaar kale la raaciyey qof xidhan maryo lagu jilayo inuu buurbuuran yahay, kaasoo dookh ahaan cunaya baasto badan, halka kooxda saddexaad lagu daray qof dooraya cunto bilaa dux ah oo aan xidhnayna suudhka lagu jilo buurnida, halka kooxda ugu dambaysa la raaciyey qof amateedku u furan yahay oo aan buurnayn.

Natiijada ka soo baxday daraasaddu waxay iftiimisay in qofka amateedku u furan yahay uu saameeyo dadka aan cuntada cunin, isla markaana uu amateedka u furo qofka kale, taasina ay keento mararka qaar in dadku cunaan cuntooyin duxdu ku badan tahay oo xannuuno sababi kara, sababtoo ah waxay ku daydaan qofka amateedkiisu fiican yahay ee cunto kasta qaadan kara amma jecel cuntooyinka calculus.

“Waxaad iska eegta liiska cuntooyinka lagu hordhigay, kana dooro cunto ah kuwa aad jeceshahay ee caafimaadkaaga u fiican, haddii aanad dookh lahayn bal eeg dadka kugu xeeran, haddii amateedku kaa xidhan yahay waxay kugu yeelanayan saamayn, balse waxa laga yaaba in ay kugu noqoto saamayn togan,” ayuu yidhi Brian Wansink oo ka mid ah culimada daraasadan diyaarisay ee ku daabacday wargeyska amateedka ka warama ee la yidhaa Appetite.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post