X

Cilmi-baadhis Lagu Beeniyay In Milixdu Sababto Dhiig-karka

Araweelo News Network

Dhakhaatiirta oo muddo dheer ka soo saari jiray digniin in cuntada milixdu ku badan tahay khatar badan u leedahay bani’aadamka, ayaa cilmi-baadhis cusub beenisay in milixdu ay sababto dhiig karka, iyadoo sheegtay in aan sidii la moodi jiray aanay u sababin waqtigan.
Xannuunka dhiig-karka oo hadda ka mid ah cudurrada ugu khatarta badan adduunka ee ay dadku u dhintaan, sidoo kalena loo yaqaan dilaaga aamusan (silent killer), ayaa daraasadan sheegtay in 30% dadka Ingiriiska ah cudurkan qabaan, balse aanay la socon, halka 6.7 milyan oo qof oo Maraykan ah oo u dhiganta 31% bulshada Maraykanka ay ay qabaan cudurkan.

Saynisyahannada cilmi-baadhistan soo saaray oo falanqayn ku sameeyey 8,670 qof macluumaadkooda nololeed, ayaa sheegay in milixdu aanay ka mid ahayn waxyaabaha sida ba’an u sababa xannuunkan.

Ujeeddada cilmi-baadhistan oo ahayd in qiimayn lagu sameeyo saamaynta hab-nololeedka dadkan iyo nafaqada dhiiggooda heerkay taagan tahay, ayaa sida khubaradu sheegeen ay ogaadeen in dhiig karka iyo quudashada milixda aanay wax xidhiidh ah ka dhaxayn, qofkuna aanu ka qaadin milixda badan xannuunkan.

Laakiin, cilmi-baadhistu waxay sheegtay in milixdu leedahay saamayno badan, kuwaasina ay keeni karaan xannuunkan.
Sidoo kale, cilmi-badhayaashu waxay sheegeen in cabista alkoosha, da’da iyo miisaanka qofka oo cuslaada ay dhammaantood yihiin waxyaabaha hormoodka ka noqda dhiig-karka.

Waxaanay xuseen in daawada xannuunkan lagaga badbaadi karaa tahay qofka oo aad u cuna khudaarta bisil iyo ta la karsado.
“In qofku miisaankiisa hoos u dhigaa waxa shayga kaliya ee lagaga hortagi karo xannuunkan adduunka ku fiday ee dhiig karka, sababtoo ah waa waxa kaliya ee la ogyahay inuu hubaal sababo cudurkan. Milixda haddii la quuto ma sababto xannuunkan,” ayey yidhaahdeen khubarada soo saartay daraasadan.

Xarunta ka hortaga xannuunada ee Maraykanka oo loo yaqaan CDC (Center for Disease Control and Prevention), ayaa soo saartay digniin ay u jeedisay waalidiinta, taasoo ay ku sheegtay ubadka dugsiyada ku jira laga ilaaliyo in la siiyo cunto milixdu ku badan tahay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post