X

Cilmi-baadhis: Kalluunku Wuxuu Aqoonsadaa Wejiga Bani’aadamka

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis cusub oo kalluunka lagu baadhayey, ayaa lagu sheegay in kalluunku awood u leeyahay inuu aqoonsado wejiyada bani’aadamka ee uu arko, iyadoo arrintaasina noqotay wax aad loola yaabo, balse ka mid ah awoodaha Ilaahay.
Waa markii ugu horraysay ee saynisyahanno daraasad ku sameeyaan arrin la xidhiidha garaadka kalluunka, kuwaasoo sheegay in maskaxda amma garaadka kalluunku xasuusteedu aad u sarrayso oo ay dadka kala duwan wejiyadoodu soo maraan uu xasuusan karo.
Bani’aadamka maskaxdiisa waxa uu Alle u sameeyey hab cajiib ah oo u saamaxa waxa ay argtay inay kala qaybiso oo si fudud u xasuusan karto, balse kalluunka oo maskaxdiisu aad u yar tahay oo hore loogu doodi jiray in aanay xasuustiisu sidaa u fiicnayn, ayaa khubaro ka tirsan jaamacadaha Oxford ee dalka Ingiriiska iyo University of Qeensland ee dalka Australia sheegeen in ay cilmi-baadhis ku ogaadeen in kalluunkuna awooddaas leeyahay.
Saynisyahannadan waxa ay doonayeen inay ogaadaan sida xayawaanku maskaxdooda ay ugu fududahay in ay dadka wejiyadeeda xasuustaan. Waxay doorteen kalluunka oo ay maskaxdiisa baadhitaan ku sameeyeen, waanay ku guulaysteen tijaabadoodii oo waxay ogaadeen in kalluunka maskaxdiisu xasuusato dadka kala duwan ee ay aragtay.
Si gaar ah waxay baadhitaan ugu sameeyeen kalluun inta badan laga helo dhulka cimilada kulul (archerfish) oo ka mid ah kalluunada ugu yar. Waxa kaloo cilmi-badhayaashu ogaadeen in kalluunka aan indhaha lahayn aannu arrintan awoodin, halka libaax-badeedku inta badan arko midabbada.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post