X

Cilmi-baadhis Iftiimisay in soo Jeedka Habeennimo Dhaawaco Maskaxda Carruurta

Araweelo News Network

Baadhitaan maskaxda lagu sameeyey ayaa iftiimiyey in soo jeedka iyo hurdo la’aanta habeenkii ay dhaawac culus oo ka badan intii hore loo malaynayey u geysato maskaxda carruurta.
Saynisyahannada iyo dhakhaatiirta ayaa muddo badan soo jeedinayey in aynu u baahanahay ugu yaraan siddeed saacadood oo hurdo ah carruur iyo waayeelba si looga badbaado dhaawac gaadha qaybta hore ee maskaxda ee masuulka ka ah xasuusta.
Daraasad cusub oo ay soo saartay Jaamacadda University Hospital of Zurich ee dalka Jarmalka, ayaa dibadda soo dhigtay in hurdo la’aanta amma soo jeedka habeennimo carruurta ka horistaago in ay maskaxdoodu kobocdo, gaar ahaan in dhaawac gaadho qaybta maskaxda ee ka masuulka ah qorshayaasha dhaqdhaqaaq iyo feejignaanta (Posterior brain).
Mr. Salome Kurth oo ah khabiir wax ka qoray cilmiga neerfisyada bani’aadamka, ayaa sheegay in aannu hore u soo muuqan dhaawaca hurdo la’aantu soo gaadhsiiso maskaxda.
“Hannaanka hurdadu waxa ay xidhiidh la leedahay mskaxda carruurta, saamaynna way ku yeelataa xilliga qaan-gaadhnimada. Daraasaddani waxay muujisay in hurdada oo korodha faa’iido u leedahay maskaxda ubadka, gaar ahaan qaybaha xasuusta, qorshayaasha iyo feejignaanta,” ayuu yidhi Kurth oo ka mid ah khubarada daraasaddan sameeyey.
Khubaradu waxay soo jeedisay in hurdo ku filan qofku qaato, carruurtiisana kula taliyo in ay habeenkii goor hore seexdaan, haddii kale ay khatar ku sugnaan karto maskaxdoodu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post