X

Cilmi-baadhis: Dhalan-geddiska Cimilada oo Laban-laabtay Khatarta Cudurka Kaneecada ee Afrika

Araweelo News Network

Cilmi-baadhis uu daabacay jariirad Malaria Journal oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa iftiimisay in ay is laban laabtay tirada dadka Afrika khatarta ugu sugan cudurka kaneecada ee la yidhaa Duumada, gaar ahaan dadka u nool meelaha dhaamamka ah oo ay noqon doonto 25 milyan, taasoo muujinaysa in qof kasta cudurkan ku dhaco marka la gaadho sannadka 2080-ka, haddii Ilaahay yidhaa.
Natiijada cilmi-baadhistu waxa ay muujisay in cilmilada is dhalan-rogtay sabab u noqon doonto in tirada intaas le’eg khatar ugu sugnaato cudurkan nus qarniga soo socda, haddii aan laga hortagina ay is saddex-laabmi karto tirada dadka ku nool degaannada haraha waaweyn amma dhaamamka ee kaneecadu ku dhacdo, taasoo gaadhi karta qiyaastii ilaa 3 miilyan oo qof.
“Dhaamanka amma harooyinku (lakes) inkastoo ay faa’iido badan leeyihiin, balse doorka cilmilada is beddeshay ay ku yeelan karto kaneecada dhaamamka waa shay daruuri ah oo beddeli kara xaaladda hadda jirta. Waxa dhabtii la saadaalinayaa in saamayntaas ay noqon doonto mid khatar ah oo u baahan ka hortag wax ku ool ah.” Sidaa waxa yidhi Mr. Solomon Kibret oo ka tirsan Jaamacadda University of California oo hormuud ka ahaa khubarada soo saaray daraasadan.
Cudurka malaariyada ee kaneecadu gudbiso oo ku dhasha biyaha wasakhda ah amma aan nadiifta ahayn, sida dhaamamka amma biyo-fadhiisinka, waxa uu adduunka ku dilaa 400,000 (afar boqol oo kun) oo qof sannad kasta, kuwaasoo badankoodu ah carruur aad u yaryar oo ku nool waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika (sub-Saharan Africa).
Warbixin ay soo saartay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO (World Health Organization), ayaa iftiimisay in sannad walba la ogaado 200 milyan oo kiis malaariya amma kaneeco ah.
In ka badan kala badh dhaamamka adduunka ee ku yaal meelaha kaneecada ka madhan waxa ay isu beddeli doonaan kuwo gudbiyayaal cudurka duumada ah, maxaa yeelay heer-kulka sii kululaanaya ee ka dhalan doona dhalan-geddiska cimilada, waxana badankooda laga heli doonaa bariga Afrika, gaar ahaan dhulka joogiisu sarreeyo iyo Koonfurta Afrika, sida daraasaddu tibaaxday.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post