X

Cabbitaanka Kulul oo la Xaqiijiyey inuu Sababo Kansarka

Araweelo News Network


Cabbitaanka kulul ee ay ka mid yihiin shaaha, kafeega iyo dhir-dhaqameedka la isku daweeyo ee la karkariyo, ayaa la ogaaday inay sababaan kansarka ku dhaca cunaha (Oesophagus Cancer), sida ay shaacisay Hay’adda Qarammada Midoobay u qaabilsan Cudurka Kansarka ee loo soo gaabiyo UN’s Cancer Agency.
Waxa hore shaki looga qabay in kafeega kulul iyo dhirta dawo-dhaqameed ahaanta loo adeegsado ay yihiin kuwa sababa cudurka kansarka, sidaa darteedna heer-kul dhexdhexaad ah lagu cabbo, balse waxa arrintaas xaqiijiyey xogta Qarammada Midoobay soo saartay.
“Natiijadani waxay dibadda soo dhigtay in cabbitaanka kulul yahay waxyaabaha keena kansarka cunaha ku dhaca, iyadoo taasna ay ugu wacan tahay heer-kulka aadka u badan oo aan cunuhu xamili Karin.” Sidaa waxa yidhi Christopher Wild oo ah Agaasimaha Hay’adda Caalamiga ah ee Cilmi-baadhista Kansarka ee IARC (International for Research on Cancer).
Hore waxa arrintan looga soo saaray daraasado badan oo la isku khilaafay, kuwaasoo badankoodu sheegay in cabbitaannada aadka u kulul dhaawacaan hunguriga amma dhuunta cuntada iyo hawaduba galaan ee dadka, taasina aakhirka keento kansarka cunaha ku dhaca, waana arrinta waqtigan Qarammada Midoobay xaqiijisay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post