X

Caanaha Ciirta Waxa La Ogaaday Inay Daawo ka Yihiin Xannuuno Maskaxda ku Dhaca

Araweelo News Network

Caano Ciir ah

 

Ciirta laga sameeyo caanaha dabiiciga ah ee xoolaha ayaa khubaro u dhalatay dalka Maraykanka oo samaysay cilmi-baadhis caafimaad sheegeen in ay daawo ka tahay cudurro badan oo ku dhaca maskaxda, kaasoo ay ka mid yihiin xannuunka isku buuqa amma culayska badan ee maskaxda ku yimaada.

Daraasadan waxay shaacisay in caanaha ciirtu dejiyaan cadhada iyo murugada badan ee qofka la soo darista, iyadoo ay khubaradu tilmaameen in cunista ciirta maalintii laba jeer muddo hal bil ah ay faa’iido u leedahay shaqada maskaxdu hayso, gaar ahaan marka ay nasanayso iyo marka ay ka jawaabayso arrimaha cadiifaddu keento.
Khubaradan waxay caddeeyeen in ciirtu quudisto bakteeriyo ku nool mindhicirada oo ka qaybqaadata hab-dhiska dheef-shiidka bani’aadamka, korna u qaada hab-dhiska difaaca dadka, caawisana hab-dhiska dheefshiidka, sidoo kale bakteeriyada ku nool qaybta dambe ee mindhicirka waxay ka qaybqaadata in qofka gaastari ku dhaco marka maskaxdu u dirto farriin cadiifad iyo murugaysan.
“Maxsuulka noo soo baxay wuxuu muujinaya in ciirtu waxyaabahay ka kooban tahay ay si fudud u beddeli karaan jawaabaha maskaxdeenu ka bixiso ba’ada ku xeeran, sababtoo ah waxay faa’iido u leedahay in qofka ay maskaxdiisa dejiso,” ayuu yidhi Dr. Kirsten Tillisch oo ka tirsan Mac-hadka caafimaadka ee la yidhaa UCLA’s School of Medicine oo ku yaaal dalka Maraykanka.

Khubaradan waxay baadhitaankooda ka qaadeen 36 haween ah oo da’doodu u dhaxayso 18 ilaa 53 jir, waxaanay u kala qaybiyeen kooxo, iyagoo koox ka mid ah muddo quudinaayey caanaha ciireta ah muddo hal bilood ah, halkja qaar kalena caano caadi ah la siinaayey oo aan wax bakteeriyo ah ku jirin, qaarna lama siinba wax caao ah.
Khubarada waxa u soo baxday in kooxdii la siinaayey maalintii laba jeer muddo bil ah caanaha ciirta ay murugadu aad uga yaraatay, maskaxdooduna ka degenaatay labadii kooxood ee kale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post