X

Caalimkii Muslimka ahaa ee Qoray Buug uu ku Sharaxayo Xidhiidhka ka Dhaxeeya Xisaabta iyo Gabayada

Araweelo News Network

Xisaabta Algebra waxa ay ka mid tahay xisaabaha ugu muhiimsan waqtigan, balse waxa jirtay waqti ay ka sii muhiimsanayd caalamahadda xisaabta Algebra. Shakhsiga dunidan ku soo biiriyey mid ka mid ah tallaabooyinka ugu muhiimsan ee xisaabta waxa uu ahaa caalim Muslim ah oo reer Andalus ah, kaasoo la odhan jiray Abu’l Xasan Ibn Ali Al Qalasadi.
Ninkan caalimka ah ee Qalasadi waxa uu dhashay sannadkii 1414 oo uu ku dhashay degaanka Basa oo ahayd tuulo yar oo u dhawayd magaalada Granada oo ku taalay dhulkii Muslimiintu aadka ugu xoogganaayeen ee Koonfurta Spain. Waxa uu bartay aqoonta Islaamiga (Islamic Disciplines) isagoo 24 jir ah, kadib waxa safarro 15 sanno qaatay ku maray waqooyiga Afrika si uu u barto, una darso maadooyin kala duwan oo ay aqoon dheeraada u lahaayeen aqoonyahannadii kala duwanaa ee Afrika ku noolaa.
Waxyaabaha ugu mudan ee uu raadinayey waxa ay ahaayeen inuu wax ka ogaado caalimadii cilmi xadiiska yaqaanay oo uu ugu horreeyey Ibn Xajar Al Asqalani (d. 1449), kaasoo Qasaladi uu muddo kooban kulan kula yeeshay dalka Masar. Waxa dib ugu soo noqday dalka Spain, gaar ahaan degaanka Granada, halkaas oo uu ka sii waday waxbarashadii iyo daraasadayntii cilmiyada kala duwan. Aakhirkii waxa uu aqoon dheeraada u yeeshay xisaabta, sharciga iyo waliba cilmiga falsafadda… la soco…..

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post