X

Caafimaadka Maskaxda iyo Xidhiidhka jacaylka ayaa ah ‘furaha farxada’

Araweelo News Network

London(ANN)-Daraasaadka oo ay samaysay jaamacadda London School of Economics, ayaa sheegtay jawaabihii 200,000 oo qof, kuwaas la xaqiijiyay inay sababo kala duwan u saameeyeen farxadooda.
Caafimaadka Maskaxda iyo inaad leedahay qof ku jecel ayaa dadka u keena farxad ka badan ta ay keento lacagta badan, sida ay sheegtay daraasaad cusub.

Farxad la’aanta ayaa noqotay waxa qof walba ugu dhibka badnaa ee uu ka cabanayay, balse dadka hela qof ay is jecel yihiin ayaa la oggaaday inay yihiin kuwa ugu badan ee hela farxadooda nolosha.

Prof Richard Layard, oo wax ka qoray warbixinta ayaa sheegay in waxa lagu helay daraasaadka ay u baahan tahay dowladda inay qayb cusub ka qaadato farxada bulshada , iyadoo xooga saaraysa inay samayso ” Waxa farxada u keena bulshada” halka ay ka samayso “Waxa lacagta u keena”.

Wuxuu intaa ku daray: “Cadaymaha ayaa sheegaya waxyaabaha dadka muhiimka u ah ee keena farxada iyo farxad la’aanta ayaa ah xidhiidhka dadka, caafimaadka maskaxda iyo jidhka.

” Waqtigii hore, dowladda ayaa ku guulaysatay la dagaalanka saboolnimada, shaqo la’aanta, horumarinta waxbarashada iyo caafimaadka jidhka. Laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah hadda xadgudubyada ka dhaca guriga, xaalada caafimaad ee farxad la’aanta (depression and anxiety), cabida khamriga badan iyo waxyaabo badan oo kale. Waxyaabaha oo dhan waa in diirada la saaraa.” Ayuu yidhi, Prof Richard Layard.

Daraasaada oo ku salaysnayd dhowr daraasaadood oo caalami ah, waxay kula talisay Dadka cimrigoodu gaadho 50 ilaa 70 ‘inay shaqada u fiican tahay, haddii ay awoodaan.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post