X

Buug Loogu Tallogalay in Carruurta Lagu Seexiyo oo Noqday ka Ugu Iibka Wanaagsan

Buug ka waramaya sheekooyin carruurta lagu seexiyo oo ka kooban 22 bog oo uu qoray khabiir cilmi-nafsiga ku takhasusay, una dhashay dalka Sweden ee qaaradda Yurub, ayaa noqday ka ugu iibka wanaagsan waqtigan, sida ay sheegtay shirkadda buuggaagta lagu iibiyo ee Amazon.
Buuggan oo la yidhaa Bakaylihii doonayey inuu seexdo (The Rabbit Who Wants To Fall A sleep) oo uu qoray Carl-Johan Forssen Ehrlin, waxaannu qoraagu ballanqaaday in ubadka waqti kasta uu seexinayo, haddii mid mid loo akhriyo kelmadaha ku jira.
Sida qoraagu iftiimiyey sheekooyinka lagu qoray buugga oo ah sheeko carruureed aad u xikmad badan, isla markaana abuuraya in ubadku dhegahooda raaciyaan, kadibna ku luloodaan ayaa keentay in waalid aad u tiro badan iibsado.
Qiima ahaan buuggan oo la siinayo £6 Giniga starliinka Ingiriiska ah, waxa noqday mid caan ah, waxaana Amazon sheegeen inuu noqday buugga kaliya ee qoraagu kaligii u soo gudbiyey ee dadku si toos ah u dalbanayaan.
Agaasimaha shirkadda Amzon ee dalka Ingiriiska ee dhinaca buuggaagta oo magaciisa la yidhaah Alison Forrest, ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee qoraa madaxbannaan uu kaalinta koowaad ka galo buuggaagta ugu iibka badan.
“Waa kelmado sheekada ku wanaagsan oo ilmaha ka keenaya hurdo, waxa aan ubadka ka caawiyey in ay degenaan dareemaan, waana qaybo badan oo sheekada ka mid ah,” ayuu yidhi Mr. Ehrlin oo ah khabiir wax ka dhiga Jaamacadda Jonkoping University ee dalka Ingiriiska.
Sidoo kale, waalidka iibsaday buuggan ayaa sheegay in sheekooyinka ku jiraa yihiin qaar ka caawiyey in ubadkoodu si fiican u seexdaan marka loo akhriyo ama looga sheekeeyo, kuwaasoo tilmaamay in buuggan yahay mid aad u qiimo badan.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post