X

Boqortooyada Sucuudiga oo Bilowday Olole ay ku Cidhib-tirayo Cudurka Joonis Caska

Araweelo News Network

Riyadh(ANN)Olole caafimaad oo dhammaan qaranka Sucuudiga looga diyaar garoobay, ayaa la doonayaa in lagu cidhib-tiro xannuunka loo yaqaan joonis caska (Hepatitis C), sida ay ku dhawaaqday Wasaaradda Caafimaadka oo kaashanaysa hay’adda Abbvie oo ah xarun soo saarta daawooyinka.
Waxa hawlgalkan caafimaad hal-ku-dhig u ah dib-u-sugid “Reassure,” waxana qorshihiisu yahay in magaalooyin badan oo dalkaas ku yaal laga cidhib tiro cudurkan. Magaalada Jeddah ayaa ugu hor bilawday hawlgalkan caafimaad.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa barnaamijkan iyo ololayaal kale oo caafimaad bilowday, iyadoo uga dan leh in ay ku gaadho 5 milyan oo qof. Kuma salaysna oo kaliya in wacyiga bulshada la kobciyo, balse waxa kor loo qaadayaa tirada bukaanka ah ee laga daaweeyo cudurkan si loo cidhi-tiro sannadka 2030-ka, haddii Ilaahay yidhaah.
Cudurka jooniska labadiisa noocba waxa ay ka mid yihiin cudurrada sida sahalka ah dadka ugu dhaca oo aad ugu badan dalalka qaaradaha Eeshiya iyo Afrika, waana sababta Sucuudigu u qaaday ololahan oo sidoo kale loo adeegsanayo baraha bulshada ee internetka.
Sagaalkii bilood ee la soo dhaafay waxa dalka Sucuudiga laga furay 20 xarumood oo cudurkan si gaar ah loogu daaweeyo, waxaana jira shirkado daawooyinka sameeya oo Sucuudiga laga leeyahay, diyaariyeyna daawada jooniska cas (Hepatitis C).
Mr. Cabdulahi Al Ghamdi oo ka mid ah masuuliyiinta Cusbitaalka Guud ee Boqor Fahd (King Fahd General Hospital) ee magaalada Jeddah, ayaa sheegay in 100,000 (boqol kun) oo qof oo boqortooyada Sucuudiga ah uu hayo jooniska cas, kuwaasoo inta u badan tahay dadka da’oodu u dhexayso 40 ilaa 50 jirka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post