Dr. Garry Miller: Baadarigii ku qancay Kitaabka Quraanka Kariimka
Waa khabiir u dhashay dalka Kanada (Canada) ee waqooyiga qaaradda Ameerika, aqoon fogna u leh cilmiga xisaabta loojiga (Logics). Waa wadaad Kiristaanka fidiya oo aad ugu adeega in Kiristaanku meel fog gaadho. Waxa uu doodo adag la gali jiray wadaada amma khubarada Islaamka. Wuxuu ka mid ahaa ragga ugu adag ee aadka uga horyimaad culimada muslimka oo ay jilbaha is-daraan doodaha.
Ninka aan ka hadlaynaaa waa Prefessor Gary Miller oo Jaamacadda Toronto University caan ka ahaa, wuxuunna hayaankiisa bilaabay 1977-kii si uu u ogaado Islaamka, khaladaadna ugu helo.
Wuxuu aad u jeclaa xisaabta, waana sababta keentay inuu aad u jeclaado macquuliyada waxyaabaha ku dhisan Logic) iyo ka fikirkooda. Waxa uu go’aan ku gaadhay inuu akhristo Quraanka. Dan iyo muraad toona kama uu lahayn wanaaga ku jira, balse wuxuu doonayey inuu khaladaad iyo xumaan u raadiyo si uu dadka Muslimka ah ugu qanciyo in ay Kiristaanka ku soo biiraan.
Maankiisa waxa ku jiray in Qur’aanku yahay buug qadiimi ah oo qarniyo badan ka hor la qoray. Buug ka hadla saxaraha Carabta iyo waxyaabo la halmaala. Cajiib waxa ku noqotay iyo u qaadan waa waxyaabaha uu ka helay. Waxa uu kala kulmay Qur’aanka waxyaabo aan buuggaagta kale ee dunida ka jira ku tilmaanayn. Waxa uu markii hore raadinayey inuu kala kulmi doono noloshii adkayd ee Nebi Muxamed (NNKHA) soo maray sida dhimashadii xaaskiisa Khadiija amma dhimashada wiilashiisii amma hablihiisii. Sidaa darteed, waxyaabahaas kama uu helin. Waxa uu la jah-wareeray inuu Qur’aanka ku arko suurad dhan oo Maryam ka waramaysa qimaheedii iyo waliba ixtiraam badan u muujinaysa, kaas oo aan xataa Kitaabka Kiristanka ee Bibile ku qornayn. Waxa maskaxdiisa ka guuxday sababmaa suurad kaliya oo Quraanka ah loogu magac dari waayey ‘Faadima Rasuul” amma xaaskiisii Caa’isha.
Maskaxdiisa oo su’aalo badan isu dirtay ayaa waxa kaga daba yimi markii uu Quraanka ka helay Nebi Ciise (NNKHA) oo kitaabka 25 jeer lagu xusay, halka Magaca Nebi Maxamed lagu xusay 4 jeer oo keliya. Arrintu way uga dartay.
Waxa halkaa uga bilaabmay safarkiisii akhrinta Qur’aanka iyo fahmida macnahiisa, balse wali wuxuu ku adkaysanayey inuu ka helayo khaladaad.
Waxa ammakaag ku noqotay oo uu fajac iyo yaab galay markii uu Quraanka ka helay Aayad 8aad ee Suuratu Al Nisa. “Quraanka miyey u tixgeliyaan si taxadir ku jiro? Ma Ilaahay cid aan ahayn buu ka yimi? Waxa ay ka heli doonaan hubaal wax badan.”
“Mabaadiida ugu caansan ee sayniska waa mabda’a helida khaladka amma raadinta khaladka aragtiyaha cilmiga (Theory) ku jira ilaa inta laga caddaynayo in ay sax tahay (Mabda’a beenaynta (Falsification test). Muxuu ahaa cajiibka ah in Quraanku Muslimiinta iyo kuwa aan rumaynba waydiinayo inay isku dayaan in ay khalad ka helaan kitaabka, waxaannu u sheegayaa in aanay waligood helayn, waxaannu odhanaya khalad wuu ka madhan yahay, balse Quraan waxa uu idiin sheegayaa in aan khalad ku jirin, isla markaana aad u raadisaan, maxaad uga heli waydeen,” ayuu yidhi Dr. Miller.
Sidoo kale, Dr. Miller oo baadhitaankiisa sii waday waxa soo jiitaday aayadda 30aad ee Surat Al Anbiya; “Miyaanay kuwa aan muuminiinta ahayn arkayn in samada iyo dhulku ay mid ahaayeen (Hal unug oo abuur ah noqonayaan), ka hor intii aanaan kala saarin? Waxa aannu noole kasta ka abuurnay biyo. Miyaanay rumaysnayn?”
Waxa ay cajiib ku noqotay in aayaddan ay is-waafaqeen cilmi-baadhis saynis oo ku guulaystay billad Noble Prize ah sannadkii 1973kii, taasoo ku saabsanayd “Aragtida kala dhambalanka dhulka” (Great Explosion). Aragtidani waxa ay odhanaysaa in dhulku amma kownka ka dhacay, taasina ay keentay in dunidu abuuranto oo cir iyo dhul kala noqoto… La soco…