Dr Garry Miller: Baadarigii Kibaabka Quraanku Qanciyey
Qormada 2aad
Waxa maskaxdiisa markiiba isu dirtay su’aallo; Waad aragtaa? Habkan ma hab khurafaad oo buug loo qori karaa? Sidee ayuu u qori karaa buug kuu sheegaya in aad Alle ka hoos gasho shaydaanka ka hor inta aanad Quraanka akhriyin? Waa aayado cajiib ah oo buug cajiiba ku qoran, una jawaabaya caqliyada odhanaysa shaydaan bay ka yimaadeen,” ayuu iskula shawray ninkan baadhitaanka sameeyey.
Dr. Miller waxa kaloo uu aad ula yaabay qisooyinka dhexmaray Nebiga (NNKHA) iyo Abu Lahab, waxaannu yidhi; “Ninkan (Abu Lahab) Islaamka necbaa, daba socda Nebiga meel kasta oo uu tago si uu u bahdilo. Haddii uu arko Nebiga oo la hadlaya dad ajenebi ah wuu sugi jiray ilaa intuu dhammaynayo, kadibna wuxuu waydiin jiray; Muxamed muxuu idiin sheegay? Haddii uu yidhi waa caddaan, isaguna wuxuu odhan jiray waa beentiiye waa madaw, haddii uu waa habeen yidhaana, waxa uu odhan jiray waa maalin. Waxa uu uga dan lahaa inuu ka been-abuuro Nebiga, dadkana wahalaahaw ku abuuro.”
Intaa ma ay qancin, balse waxa cajabisay Suurada Al Masad oo 10 sanno ka hor intii aanu Abu Lahab dhiman Rasuulka ku soo degtay, siina sheegtay in Abu Lahab naarta galayo, una caddaysay Nebiga in aannu islaam noqonayn, halka Abu Lahab ka yidhi; “Muxamed waxa uu sheegay in aanan Muslim noqonayn, cadaabtana aan gelayo, balse waxaan kuu sheegayaa imminka in aan Islaam noqday. Hadda Muxamed maxaad u malaynaysaa? Ma run buu sheegayaa? Waxa uu idiin sheegay ma Allu ka yimi.”
Dr. Miller waxa uu ogaaday in Abu Lahab sidaa u sameeyey sidii uu u khilaafi lahaa Nebiga, muddadii 10 sanno ah ee uu soo noolaana muu noqon Muslim. Waxa uu Dr. Miller ogaaday in kelmadahaas aanay ahayn qaar Nebigu yidhi, laakiin ay ahaayeen kelmado Alle ka yimi oo cid beddelaysaa aanay jirin…. La soco…