Dr Garry Miller: Baadari Kitaabka Quraanku Qanciyey

Araweelo News Network

Dr. Garry MillerNinka magaciisu yahay Dr. Miller, waxa dhakafaar ku riday sida Nebi Muxamed ku ogaaday in suuraddu caddaynayso hadalka Abu Lahab runnimadiisa. Waxa halkaas uga caddaatay in Qur’aanku yahay hadal Alle ka yimi, isla markaana Nebiga lagu ilhaamiyey Qur’aanka.

Wuu soo dabcay, waxaanad moodaysay in qalbigiisu qoyayey, waxna uu fahmayey, balse haddana wuxuu ku adkaa bal inuu Qur’aanka daliil uun ka helo oo uu baadhitaanka sii wado.

Aragtiyo badan oo falsafaduhu sheegaan amma niman badan sheegtaan in ay soo saareen ayuu Dr. Miller Qur’aanka ku arkay, waliba Qur’aanka oo ka horreeyey raggaas, waxana ka mid ah in Qur’aanku sheegay in aan mustaqbalka waxba laga garan karin, bani’aadamkuna aanay saadalin karin, halka aragtida beenayda amma “Falsification Test” ay u yaqaanaan sheegto in shaydada la baadho ilaa la ogaanayo in shaydaas ay sax yihiin. Tusaale, ahaan Bal u fiirso waxa Qur’aanku ku yidhi xidhiidhka Muslimka iyo Yuhuudda ka dhexeeya; Qur’aanku waxa uu sheegay in Yuhuudu yihiin cadawga ugu weyn ee Muslimiinta, taasina waxay noqotay mid Miller u caddaatay, maadaama waqtigan Yuhuuddu yihiin cadawga ugu weyn ee Muslimka.

Waxa cajiib sii noqotay in Dr. Miller in si munaafaqnimo ah Yuhuuddu ay u waxyeelleeyaan Muslimka, Qur’aankuna sheegay.

“Waxa aannu idiinla dhaqanaa si saaxiibtinimo leh, Quraankuna wuxuu sheegay in aan cadawgiina nahay, Quraanka khaldan mala, laakiin ma ay dhicin arrintan 1400 sannno intii lagu guda jiray, mana dhici doonto. Kuwani wa kelmado ka yimi qof garanaya wax aan la arki karin( Alle), mana aha kelmado bani’aadam,” ayuu Dr.Miller oo kolba dhinac mawjadda fahamka Quraanku ula kacaysay, lana taag darnaa beeninta Quraanka yidhi.

Dr. Miller oo Kiristaan ah waxa uu la yaabay sida aan Quraanku ugu tilmaamin inay cadawgooda koowaad yihiin Muslimiinta, isla markaana islaamku u yihiin dad Yuhuudda ay cadawnimo ka dhexayso, taasi waxay keentay in ay is dhinto colaaddii uu Muslimka u qabay.

Dr. Miller markii uu saynis, aragtiyo falsafadeed oo aan bani’aadamku keeni karin iyo waliba aqoon ka xeel dheer maskaxdiisa ku arkay Qur’aanka waxay keentay inuu islaamo, baadhitaankii iyo xumaantii uu baadhista Quraanka ugu wadayna u horseeday in Alle ku hannuuniyo jidka toosan.

“Waxa shaki ku gelinayaa kuma jiro. Waxa aad ku arkaysaa waxyaabo cajiib ah Quraanka, cid gaar ah uma jeedo, waxa uu ku siinayaa macluumaadka aad u baahan tahay oo dhan, waxaannu kuu sheegayaa waxaanad hore u aqoon. Tusaale ahaan, waxa uu ku tusayaa wax qayb ah oo Nebiga lagu ilhaamiyey inuu arko. Waxaad ku arkaysaa sida loo jeclaa Maryam (Nebi Ciise hooyadii Alle raalli ha ka ahaadee),” ayuu yidhi Dr. Miller.

Dr. Miller waxa kale oo uu rumaystay xadiisyada iyo hadalladii nebiga ee asaxaabtiisu ka soo werinaayeen, sababtoo ah waxa uu ku qancay Quraanka, kadib markii uu daliil u waayey, kuna arkay waxyaabo aad uga yaabiyey oo dunida xaqiiqdeeda ka warramaya oo aannu ku arag Bible-ka.

Prof. Miller waxa uu sannadkii 1977 dood adag la galay intii aanu Muslimin caalim Axmed Deedat, waqtigaas waxa doodiisu ku salaysnayd caqlaaniyad amma caqliga, waxaanay dad badan waqtigaas dareemeen in Miller aannu fogayn oo Islaamku cajabin doono haddii uu baadhitaan ku sameeyo. Sidaa darteed, sannadkii 1978kii ayuu diinta Islaamka qaatay, isla markaana magaciisii u beddelay Abdul-ahad.

Waxa uu shaqo ka bilaabay oo uu muddo ka shaqaynayey wixii intaa ka dambeeyey Jaamacadda Oil and Minerals University (Jaamacadda Saliidda iyo Macdanta) ee Sucuudiga, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa uu noqday caalim dacwadda islaamka fidiya oo yelefishannada ka baahiya barnaamijyo iyo muxaadirooyin aad u qiimo badan. Alle jidka toosan ha inagu wada hannuuniyee waxa uu noqday nin sabab u noqda in dad badan soo islaamaan….Dhammaad…
By. Ibraahin Khadar Siciid.