Araweelo News Network


Dalka Tanzania oo ku yaal bariga Afrika waxa uu caan ku yahay door-joog aad u badan iyo waliba qoomiyado xadaarad fog leh, inta badanna waa goob dalxiisayaasha adduunku jecel yihiin in ay u safraan.
Sidoo kale, waa goob dadku si mutadawacnimo ugu safraan si ay ugu dhex lugeeyaan. Sababaha ugu waaweyn ee dalkan ee u soo jiida dalxiiska waa xayawaanka duur-joogta oo u gaarka ah iyo waliba isagoo leh meelo badan oo lagu samayn karo jimicsi iyo ciyaaro kala duwan, balse waxa jira arrimo xiiso leh oo aan dadku inta badan aqoon. Waxa aynu ka soo oqaadan doonnaa 11 arrimood:
1. Tansaaniya waxa ay leedahay dhirta looxaanta ugu adag ee adduunka ugu qaalisan laga sameeyo sida Ppingo oo loo yaqaan Looxa Madow ee Afrika.
2. Madaxii ugu horreeyey ee bani’aadamka waxa laga helay degaanka Olduvia Gorge ee dalka Tansaaniya.
3. Waxa Tansaaniya laga helaa in ka badan 4 milyan oo duur-joog ah, waana goobta ugu badan ee xayawaanka adduunka caalamku ku ururo.
4. Marka laga hadlayo duur-joog, 30% dhulka dalka waxa ku yaal barxado. 12 beer-xayawaan, 13 goobood oo lagu ilaaliyey waxyaabo dabiici ah iyo 38 goobood oo si gaara loo ilaaliyo.
5. Waxa ku taal buurta ugu dheer qaaradda Afrika ee Kilmanjaro.
6. Cuntooyinka waxa uu kala mid yahay dalal badan oo Afrika ah, halka uu astaanta qarannimo la wadaago waddamada Koonfur Afrika iyo Simbabwi.
7. Magaalada Sansibar waxa laga helaa dhirta ugu dhaadheer ee qunbaha, uguna macaan dunida, taasina waxay Tansaaniya u horseedday inuu noqdo dalka caalamka ugu cuntada macaan, gaar ahaan cuntooyinka ka yimaad dhanka badda.
8. Beerta Ruaha Naional Park waxa hoyga ugu ballaadhan ee ay ku jiraan xayawaanka maroodiga ee bariga Afrika oo dhan.
9. Tansaaniya waxa sidoo kale hoy u ah fulkaanaha noocyadiisa kala duwan (vocanic Crater and Ngorongoro) oo dhumuc ahaan dhan 19kms, qoto ahaanna u jira dhulka 600m.
10. Dalka Tansaaniya waxa uu leeyahay laba caasimadood; Dar es Salaam (caasimadda maamulka) iyo Dodoma (caasimadda Sharci-dejinta) oo Barlamaanku deggan yahay.
11. Waligaa ma aragtay libaax dhir ku boodaya? Waxa laga yaabaa in aad telefishannada ka aragtay. Waa muuqaallo laga soo duubay beerta xayawanka ee ku taal Harada Manyara, waana goobta keliya ee uu adduunka kaga nool yahay libaaxa dhirta fuula.