X

Toontu Waxa ay u Fiican Tahay Badbaadadaada

Araweelo News Network

Los Angeles(ANN)Cilmi-baadhis cusub, ayaa sheegtay in toontu ay u fiican tahay badbaadada caafimaad ee qofka, isla markaana ay yarayso in dhuumaha dhiigga qaada ay ku yimaadaan dhaawac amma dhibaato keeni karta in qofku wadno-xannuun qaado.

Khubaro ka socotay Mac-hadka Cilmi-baadhista Los Angeles Biomedical Research Institute ee xarunta UCLa Medical Center, ayaa sheegay in toontu ay ka hortagto wadno-xannuunka oo hadda xannuunka sababa dhimashada ugu badan ee caalamka.

Khabiir mgaciisu yahay Dr. Mathew Budoff, ayaa sheegay cilmi-baadhistoodu mar kale dibadda u soo saartay in ay toonto faa’iido u leedahay caafimaadka qofka, gaar ahaan in ay ka hortagto waxyeelada soo gaadha dhuumaha dhiigga qaada (arteries) ee sababa wadno-xannuunka.

Cilmi-baadhistan oo lagu eegay 55 qof oo da’doodu u dhexayso 40 jir iyo 75 jir, kaasoo mid kasta oo ka mid ah laga helay xannuun dhinaca dheef-shiidka ah amma burburinta cuntada (metabolic Syndrome).

Natiijada ka soo baxday waxa ay noqotay in dadkan xannuunka laga helay la ogaaday in aanay cuntadooda ku jirin toonta amma aanay isticmaali jirin, waxaanay khubaradan tijaabiyeen in toontu ay faa’iido u leedahay xididada dhiigga qaada iyo gudaha jidhkaba, xannuuno kale oo badan ay daawo ka tahay.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 63 476 4409

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post