X

7 Jir Shaqeeyey $14,000 si uu ugu Caawiyo Carruur Da’diisa ah oo Biyo La’aan Haleeshay


Biyo la’aan ka dhacday degaanka Flint ee Michigan ee dalka Maraykanka, ayaa sababtay in khatar ay ku sugnaato nolosha dad badan oo carruur u badan.
Hay’adaha dawladda, ururrada caawimada iyo shakhsiyaad ayaa u holaday in ay caawiyaan dadka xaaladdaas adag soo wajahday, iyagoo u ururiyey dhaqaale iyo qalab kale oo lagu taageero si dhibtooda wax loogala qabto.
Mrs. Isiah Britt waa 7 jir ku nool magaalada Virginia ee dalka Maraykanka, waxaannu maqlay war murugo leh oo sheegaya in carruur da’diisa ah xaalad adag ku nool yihiin, tiro badan oo ka mid ahna ay ku xannuunsadeen biyo sumaysan, kadib waxa uu go’aansaday inuu ka qaybqaato gurmadka iyo gargaarka ubadkaas loo fidinaayo.
“Waxaan u sheegay waalidiintay in aan alaabta lagu caawinaya wanaagsanayn. Aniga niyad ahaan ilma fiicna, iyaguna kuma farxayaan, Allena ku farxi maayo,” ayuu u sheegay ABC 12.
Waxa uu la shaqeeyey aabbihii iyo hooyadii si u caawiyaan dugsiga hoose ee Eisenhower Elementary School ee magaalada Flint oo ay ka war heleen in aanu lahayn biyo ku filan oo buadka la siiyo, kadib wiilka yar ee Brit ayaa si khaas ah ula hadlay Xoghaynta gusgia Lisa Palermo, kadibna u ballanqaaday inuu u soo ururin doono lacag ay ku iibsadaan qalab biyaha loogu kaydiyo oo deeqaya 370 arday.
“Codkiisu waxa uu I taabtay qalbiga. Waxa aan ka shaqaynaayey degmada 20 sannadood ma arag waligay arrintan oo kale, kelmado kuma qeexi karo, qalbiguu I taabtay,” ayey tidhi Lisa oo u warramaysay wargeyska Washington Post.
Kadib, markii wiilkan iyo waalidkii heleen macluumaadkay u baahnaayeen waxay xisaabiyeen lacag ay u baahan yihiin, kadibna waxay u galeen hawl adag oo ay lacag ugu ururiyeen dugsigaas.
Wiilkan 7 jirka ah waxa uu soo ururiyey lacag dhan $14,000, taasoo waraabinaysa carruur badan oo degaanka Flint ku nool, sidoo kale waxa waalidkii helay lacag 12 dugsi u iibinaysa kayd biyood wax loogu shubo.
Lacagtan waxa uu ugu talpgalay in ubadka biyaha wasakhaysan xannuunada ka qaaday cabaan, isla markaana faraxal looga dhigo, waxaannu rajaynayaa inuu hawsha halkaas ka sii wado.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post