X

44 Jir Noqday Qofkii ugu Horreeyey ee Laga Daweeyo Cudur-dhaliya HIV

Araweelo News Network

Nin 44 jir ah oo u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa loo malaynaya inuu yahay qofkii ugu horreeyey ee adduunka laga daweeyo cudur-dhaliyaha HIV.
Tijaabooyin badan oo la sameeyey ayaa hore u iftiimiyey in cudur-dhaliyahan (virus) uu yahay mid aan laga dhex heli karin dhiigga, kadib markii ninkan oo HIV qaba laga waayey, balse kadib markii nidaam daweed cusub la mariyey ayaa laga cidhib tiray unugyadiisa jidhka wixii ku jiray cudur-dhaliyahan.
Cilmi-badhayaashu waxay ka digeen in ay tahay waqti hore oo lagu deg degay in la sheegay in dawada ninkan lagu tijaabiyey shaqaysay, balse waxay sheegeen in ninkan oo ahaa dadka arrimaha bulshada ka shaqeeya (social worker) uu si fiican u dawaysmay.
Bukaankan waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyey ee dawadu wax u tarto oo ka mid ahaa 50 qof oo lagu tijaabiyey dawo martay laba maraladood oo ahayd ka saaris iyo dilis (Kick and Kill) cudur-dhaliyaha ah.
Dawadan cusub waxay noqotay mid cajiib ah oo burburisay cudur-dhaliyaha HIV oo ka saarta qayb kasta oo uu jidhka ka galo sida unugyada iyo hab-dhiska difaaca.
“Waa mid ka mid ah isku dayo taxane ahaa oo lagu doonayey dawo buuxda oo HIV. Waxa ay ahayd loollan adag, walina fari kama qodna, balse horumarka laga gaadhay waa cajiib,” ayuu yidhi Mark Sameul oo ka mid ah Mac-hadka Caafimaadka Dawladda Ingiriiska, gaar ahaan qaybta cilmi-baadhista caafimaadka oo la hadlay wargeyska the Sunday Times.
Daraasaddan caafimaad oo uu maalgeliyey Mac-hadka Caafimaadka Dawladda Ingiriska ee NHS waxa iska kaashanayey dhakhaatiir iyo saynisyahanno ka kala socday jaamacadaha Oxford, Cambridge, Imperial College London, University of College London iyo King’s College London, lamana shaacin magaca ninka, waxana lagu sheegay inuu yahay ka qaybgale fududeeyey si cudurkan loo cidhibtiro oo dadka kale looga daweeyo.
Ku dhawaad 36.7 milyan oo qof ayaa la nool HIV adduunka oo dhan, sida ay sheegtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka-hortagga Cudurrada ee dalka Maraykanka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post