X

Cilmi-baadhis: Haddii aad Doonayso in aad Imtixaanka Baasto Nasi Maskaxda

Araweelo News Network

 

Arday badan ayaa ku mashquusha in ay akhriska badsadaan, isla markaana hadh iyo habeen duruusta ku foognaada, balse cilmi-baadhis cusub oo ay soo saartay Jaamacadda University of Texas waxay ay bedka soo dhigtay in qofku haddii uu doonayo inuu duruusta ku fiicnaado, imtixaanada baaso inuu maskaxda nasiyo, isla markaana waxa uu doonayo inuu xafido ama maskaxda geliyo ka hor indhaha sii maryo si maskaxdu u aqoonsato.
Khubarada daraasadda sameeyey waxay sheegeen in maskaxda awoodeedu kor u kacdo haddi ay nasasho hesho oo aanay daalin, iyagoo xusay in maxsuulka cilmi-baadhistoodu saamayn ku yeelan doono nidaamka dedaal ee ardayda.
Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in haddii qofku maskaxdiisa si fiican u nasiyo ay awood u yeelan doonto in ay si fiican xaataa mustaqbalkiisa dambe uu wax u sii baran karo.
Natiijada baadhitaankan oo lagu daabacay jariirada internet-ka ee loo yaqaan proceeding of the National Academy of Science waxa lagu sheegay in nasashadu qayb ka qaadato in qofku si fiican wax u barto.
Haweenay la yidhaah Margaret Schlichting oo ka qallin-jebisay waaxda cilmi-baadhista ee Jaamacadda Texas iyo Alison Preston oo ah khabiir cilmi-nafsiga iyo neerfisyada ku takhasustay ayaa dadka a qaybgalay ku baadhay hawlo waxbarasho oo ay u direen, waxaana soo baxday in kooxdii maskaxdeeda muddo la nasiyey ay xagga tijaabadii ku guulaysatay, halka kuwa in badan wax akhriyey ama shaqeeyeyna xusuustu ku adkaatay.
“Waxa noo soo baxday markii ugu horraysay sida maskaxdu u shaqayso marka ay nasashada gasho, una awooddaysato oo mustaqbalka barashada cilmiga ku fiicnaato, waxaanay dadka maskaxdooda nasiyaa noqdaan qaar awood u yeesha in ay wax badan bartaan,” ayaa lagu yidhi daraasadda warbixinteeda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post