X

Culimada Somaliland Oo Caddeeyey Siday Diintu U Nahyiday Gudniinka Fircooniga Ah

Hargeysa(ANN)-Diinteenna Suubban ee Islaamku waa hagaha dhabta ah ee innoo kala caddaysay waxa shareecada waafaqsan iyo waxa ka hor-imanaya, Bulshada Somaliland-na boqolkiiba boqol  waa Dad Islaam ah. Waloow ay jiraan Caadooyin soo jireen ah oo aan ka turjumayn dhaqanka Islaamka, kuwaas oo ay qaarkood la falgaleen dhaqankeenna, balse laga soo min-guuriyey Dadyoow Islaamka ka hor isticmaali jiray.

Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa masuul uga ah diinta faafinteeda, ku dhaqankeeda iyo ilaalinteedaba Wasaaradda Diinta iyo awqaafta, waxaanay markasta u taagan tahay kur u qaadidda, dhaqangelinta, caddaynta iyo meel-marinta wax alla wixii waafaqsan Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee aynu ka dhaxalnay Nebi Muxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee iyo suulinta caadooyinka aan Diinta waafaqsanayn.

Sidaa daraaddeed, Wasaaradda Diinta iyo Awqaaftu iyadoo ka duulaysa waajibaadkeeda iyo masuuliyadda ay qaranka u hayso, waxa ka go’an inay meesha ka saarto caadooyinka ku milmay dhaqanka, ee aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka.

Caadooyinkaas, waxaa ka mid ah Gudniinka Fircooniga ah, kaasoo saamayn taban ku yeesha, dhinacyada dhaqanka, diinta, caafimaadka iyo xuquuqda qoysnimo ah ee Haweenka, isla markaana ay wasaaraddu si xeel-dheer u deristay dhibaatooyinkiisa iyo siduu diinta uga fogyahay, iyadoo kaashanaysa Culimada dalka.

Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo ka mid ah Culimada Somaliland, ayaa sharraxaya waxay Diintu ka qabto Gudniinka Fircooniga ah. Sidoo kale Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, ayaa si cad u bayaaminaya caddaymaha Diintu ku nahyiday Fircooniga, isla markaana iftiiminaya Gudniinka Diintu waajibsay.

Inkasta oo raadadka gudniinka fircooniga ahi ku reebo Bulshada aan la soo koobi Karin, haddana waxa jira dhibaatooyin aan indhaha laga qarsan Karin, sida uu innoo faahfaahinayo Sheekh Cabdillaahi Ibraahin Yuusuf (Abu-Macaali).

Haddaba, Culimadu waxay si wada jir ah u tilmaamayaan Xukunka iyo Ciqaabta cidda samaysa Gudniinka Fircooniga ah? waxaanay baaq u dirayaan Waalidiinta iyo Dadka ku shaqaysta Fircooniga.

Dhammaan Culimadu iyagoo Barnaamijkan si waafi ah oo faahfaahsan uga hadlaya, ka daawo muuqaalkan hoose:-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post