X

#Somaliland: Hawlaha Doorashooyinka Iyo Gudidda Oo Ka Hadlay Diyaargarawga  

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)-Hawlaha Doorashooyinka ayaa meel wanaagsan maraya, iyadoo maalinta beri oo Arbaca ah  13 Nov 2024 guud ahaan dalka looga dareerayo codbixinta Doorashooyinka Madaxtooyadda iyo Ururada u tartamaya Xisbuyada.

Gudidda Doorashooyonka ayaa sheegay in gebi ahaanba agabkii foirashooyinka hawlwadeenadii iyo  ciidamada goobaha loo wada diray oo ay si nabadgelyo ah u gaadheen.

Gobolada Sanaag, Sool, Togdheeer, Saaxil,Maroodijeex iyo Awdal , si ay xaqiijiyeen dharmmaan xubnaha Gudidds Doorashooyinka Qaranka ee ku sugan gobolada oo sheegaya inay si nabad ah u gaadheen agabkii iyo hawlwadeenadii goobaha fog-fog we ka baxsan magaalooyinka waaweyn.

Doorashooyinka Somaliland ee maalinta beri loo dareerayo waxa ka qaybgalaya qiyaastii 1, 200. 000 codbixiye, kuwaas oo go’aan ka gaadhi doona mustaqbalka hoggaaminta shanta sanadood ee soo socota iyo sidoo kale, ututada oo la doonayo inay kasoo baxaan saddex Xisbi qaran oo noqon doona kuwa bulshada ku meteli doona siyaasadda.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post