X

Somaliland: Gudidda Doorashooyinka Oo Dufcadii Labaad Ee Hawlwadeenada Goobaha

 

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Gudidda Doorashooyinka qaranka ayaa soo gunaananaday tababarka hawlwadeenada doorashooyinka ee gobollada dalka, iyadoo dufcadii labaad ee shaqaallaha loo soo xidhay tababaro.

Hawlwadeenada gobolka Sool ee doorashooyinka, Sanaag, Awdal Togdheer, Saaxil iyo Maroodijeex ayaa loo soo xidhay tababarka dufcadii labaad, kuwaas oo loo dhaariyay hawsha loo igmaday ee Gudidda Doorashoouyinku u diyaariyeen.

 Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in hawlwadeenadan iyo kuwii horeba ay  ka shaqaynayaan goobaha cod-bixinta ee doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyada Qaranka ee loo qorsheeyay 13 November 2024.

Gudiidda Doorashooyinka ayaa sidoo kale, hore tababar sidan oo kale ugu xidhay Hawlwadeenada Gobollada Togdheer, Sool, Sanaag, Awdal Togdheer, Saaxil, Maroodijeex

Dhinaca kale, Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa xaruntooda kulan kula qaatay Taliyiyaasha Ciidamada Qaranka Somaliland, waxaana kulanka lagaga hadlay amniga guud iyo diyaargawga doorashada Madaxtooyadda iyo Xisbiyada Qaranka sida ay sheegeen gudidda doorashooyinka Qaranka.

.

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post