X

Somaliland: Gudidda Anshaxa Saxaafadda Ee Doorashooyinka Oo La Shaaciyay

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa magcaabay xubno guddi ah oo dabagal ku sameeya saxaafadda, isla markaana qiimeeya wararka laga gudbiyo doorashooyinka si meesha looga saaro in la baahiyo warar waxyeeli kara amniga iyo xasiloonida hanaanka doorashooyinka.

Gudidda Doorashooyinka Qaranku isaga oo raacaya Xeerka Anshaxa Saxaafadda Doorashooyinka, waxa uu aasaasay Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka iyo Anshaxa Saxaafadda, taas oo u xilsaaran inay hubiso habdhaqanka saxaafadda inta lagu jiro doorashada Madaxtooyada & Xisbiyada Qaranka JSL, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay Gudidda Doorashooyinka Somaliland.

Dhinaca kale, Gudidda Doorashooyinka Qaranku waxa uu bogaadiyay in xubnaha gudidda dedaalkooda iyo hawsha muhiimka ah ee ay bulshada Jamhuuriyada Somaliland  u hayaan. Sidoo kale, waxay  hambalyo u direen Shaadiya Maxamed Rooble oo ay maanta u doorteen Guddoomiyaha Gudidda Ilaalinta Anshaxa Saxaafadda, iyagoo dhankooda sheegay Gudidda Doorashooyinku inay si hufan ugula shaqeynayaan hirgelinta doorasho nabdoon oo cadaalad ah.

Xubnaha Gudidda ayaa ah sidan hoos ku qoran:
admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post