#Araweelo_News_Network
Hargeysa(ANN)-Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa magcaabay xubno guddi ah oo dabagal ku sameeya saxaafadda, isla markaana qiimeeya wararka laga gudbiyo doorashooyinka si meesha looga saaro in la baahiyo warar waxyeeli kara amniga iyo xasiloonida hanaanka doorashooyinka.
Gudidda Doorashooyinka Qaranku isaga oo raacaya Xeerka Anshaxa Saxaafadda Doorashooyinka, waxa uu aasaasay Guddida Ilaalinta Xeerka Hab-dhaqanka iyo Anshaxa Saxaafadda, taas oo u xilsaaran inay hubiso habdhaqanka saxaafadda inta lagu jiro doorashada Madaxtooyada & Xisbiyada Qaranka JSL, si loo xaqiijiyo doorasho xor iyo xalaal ah, ayaa lagu yidhi, qoraal kasoo baxay Gudidda Doorashooyinka Somaliland.
Dhinaca kale, Gudidda Doorashooyinka Qaranku waxa uu bogaadiyay in xubnaha gudidda dedaalkooda iyo hawsha muhiimka ah ee ay bulshada Jamhuuriyada Somaliland u hayaan. Sidoo kale, waxay hambalyo u direen Shaadiya Maxamed Rooble oo ay maanta u doorteen Guddoomiyaha Gudidda Ilaalinta Anshaxa Saxaafadda, iyagoo dhankooda sheegay Gudidda Doorashooyinku inay si hufan ugula shaqeynayaan hirgelinta doorasho nabdoon oo cadaalad ah.