X

Somaliland: Dhawaaqa Iyo Dhadhanka Qodobada Heshiiska Isbahaysiga Siyaasadeed Ee Mucaaradka WADDANI iyo KAAH

Heshiiska WAADANI iyo KAA araweelo News 4 August 2024

#Araweelo_News_Network

Hargeysa (ANN)- Munaasibad si weyn loo agaasimay oo lagu qabtay Hargeysa ayaa maanta lagu shaaciyay heshiiska isbahaysiga mucaaradka ee Xisbiga WADDANI iyo Urur Siyaasadeedka KAAH, iyadoo heshiiska siyaasadeed oo ahaa mid maalmhahanba la dhawrayay la shaaciyay maanta.

Labada dhinac ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Urur-siyaasadeedka Kaah, waxa madasha lagu shaaciyay qodobada ay ku heshiiyeen, iyadoo  guddoomiyeyaasha KAAH iyo Waddani, Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Murrashaxa Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ay  kala saxeexdeen qodobada lagu heshiiyay oo ka kooban dhawr iyo toban qodob, balse nuxurka  heshiiska ayaa ahaa sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi iyo isbahaysi dhinaca doorashooyinka ah.

Hoggaamiyayaasha WADDANI iyo KAAH oo hadalo ka jeediyay madasha markii la shaaciyay qodobada hesiiska ayaa balan qaaday in ay si wadajir ah uga shaqaynayaan sidii Somaliland uu uga dhici lahaa isbeddel siyaasaddeed oo noqda mid badbaado u ah Somaliland, marka la gaadho doorashada isku sidkan ee madaxtooyada iyo Ururrada ee la filayo inay ka qabsoonto Somaliland 13 November 2024.

Sidoo kale, Isbahaysiga siyaasadeed ee Waddani iyo Kaah yeesheen,  waxay masuuliyiinta labada dhinaca ku tilmaameen mid hormuud ka noqonaya isbeddel siyaasadeed oo Somaliland ka dhaca marka la gaadho doorashooyinka, iyagoo dhinaca kale tilmaamay mid horseedaya midnimo iyo in bulshada laysu soo ururiyo.

Qodobka heshiiska ugu saamaynta badan ayaa ah in ururka Kaah ay “taageerayaashiisu u codeeyaan doorashada Madaxtooyadda murashaxa Madaxeyne ee xisbiga WADDANI Cabdirixmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro”, madaama ay haystaan cod-boxoyaasha KAAH laba cod oo mid yahay codka Madaxweynana oo ay siinayaan Cabdiraxmaan, halka ay codka Ururnimadana siinayan Ururka siyaasadeedkooda Kaah oo u ololaynaya inuu Xisbi u gudbo. sidoo kale, waxa heshiiska lagu muujiyay in WADDANi haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtinimada uu KAAH wax ka heli doono xukuumada uu soo dhisi doono Xisbiga Waddani .

Waxa muuqata in maadaama taageerayaasha Ururka Kaah ay leeyihiin laba codayn oo kala ah inay doortaan Xisbi maadaama ururrada ay galayaan tartanka ay ugu gudbayaan Xisbi, iyo Murrashax madaxweyne, isa markaana aan  ururkoodu lahayn murashax madaxweynanimona ay codkooda u weecin doonaan Murrashaxa Xisbiga WADDANI Cabdirixmaan  Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirro ) oo xilka Madaxweynaha u taagan.

Hahiiska labada dhinac waxa si cad loogu muujiyay baahida loo qabo in Dastuurka Somaliland la furo, taas oo suurtagelinay in wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyo qaab dhismeedka Dastuurka oo madaw baddan ka jiro, isla markaana qabyo baddan ka jirto, taas oo sidoo kale suurtagal ka dhigaysa in  dib u eegis lagu sameeyo hannaanka Saami qaybsiga iyo in xalka Gobolka Sool loo maro nabad iyo wadahadal.

Munaasibada lagu shaaciyay heshiiska oo ay khudbado ka jeediyeen hoggamiyayaasha WADDANI iyo KAAH, waxa kasoo qaybgalay kumanaan qof oo taageerayaasha labada dhinac ah, kuwaas oo rajo iyo yididiilo weyn ka muujiyay heshiiska, isla markaana u arkayay in durba ay ku guulaysteen doorashadii Madaxtooyadda iyo Ururada ee aan weli la gaadhin.


Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post