Weedhihii Dardaaranka NEC Iyo Jawaabihii Kasoo Baxay Hoggaamiyayaasha Ku Kala Irdhoobay Mawaaqifta Siyaasadeed Iyo Tartanka Doorashooyinka Soo Jiitamay

#Araweelo_News_Network

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Somaliland NEC, ayaa miiska isugu keenay Lixda Murrashax ee iyagu u tartamaya kursiga Madaxwtooyadda oo ay ku lifaaqantahay doorashada ururada iyo axsaabta qaranka ee la doonayo innay kasoo baxaan saddex Xisbi iyo laba murrashax oo isku lamaan Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen marka la gaadho wixii ka danbeeya 13 November 2024.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xaaji oo shaadada tartanka doorashada Guddoonsiinaya murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) Madaxweyne ,14 Sep 2024, Image Araweelo News Network..

Kulanka Guddida Doorashooyinja iyo murrashaxiinta ee xarrunta Guddida Doorashooyinka Somaliland ee NEC, ayaa ahaa mid shahaadooyinka sharcigu waajibiyay ee noqonaya liisanka oggolaanaya inuu murrashaxu ka qaybgalo doorashada Madaxtooyadda Somaliland lagu guddoonsiiyay saddexda murrashax ee isku lamaan ee ka socda saddexda Xisbi KULMIYE, WADDANI iyo UCID.

Guddoomiyaha Guddida Doorashooyinka Muuse Xaaji oo shaadada tartanka doorashada Guddoonsiinaya murrashaxa Xisbiga UCID Eng Faysal cali Waraabe ,14 Sep 2024, Image Araweelo News Network..

Guddoomiyaha Guddida Muuse Xaaji ayaa sheegay in guddi ay ahaan ay dhowaan bilaabi doonaan ogolaanshaha jadwalka kaanbaynka ee Xisbiyada iyo Ururada doorashooyinka isku lamaan, balse ay maanta murrashaxiinta saddexda Xisbi ugu yeedheen si ay u gudoonsiiyaan shahaadada sharciga ah ee ay kaga qaybgalyaan tartanka.

Gudddoomiye Muuse, wuxuu sheegay in hawla baddan iyo cullays baddan waajahaan, isla markaana guddi ahaan (Somaliland National Electoral Commission (NEC) ) ay diyaar u yihiin hawsha hadhay, balse hoggaamiyayaasha tartamaya looga baahan yahay ilaalinta anshaxa, midnimada dalka iyo dadka, wallow guddi ahaan ay dhowaan magcaabayaan guddida anshaxa doorashooyinka, sidaa awgeed wuxuu weedho uu halkaa ka jeediyay ku muujiyay innay guddi ahaan ku dardaarayaan murrashaxiinta ilaalinta anshaxa doorashada si ay Somaliland qaran ahaan ugu qabsoonto doorasho nadiif ah oo noqota tii ugu wanaagsanayd.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, oo ah murrashaxa KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cabdiraxmaan Cirri) oo ah murrashaxa WADDANi iyo Guddoomiye Faysal cali Waraabe oo ah murrashaxa UCID, ayaa weedho koobban ka jeediyay kulankaa, iyadoo mid walba gaarkiisa u balan qaaday innay diyaar u yihiin la shaqaynta Guddida Doorashooyinka Somaliland (NEC), isla markaana ku amaanay hawsha baaxadda leh ee ay qaranka u hayaan Guddoomiyaha iyo xubnaha kale ee Kommishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland, balse weedho kala miisaan iyo macna weyn kaga jawaabay dareenka Kommishanka iyo dardaaranka Guddoomiyaha.

Muuqaalkan Ka Daawo Nuxurka Weedhihii Iyo Dardaarankii Guddida Doorashooyinka iyo Murrashaxiinta .

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com