X

Somalialnd: Diiwaangelinta Oo Ka Bilaabantay Gobollada Togdheer Iyo Deegaamo Kale Oo Sanaag Iyo Sool Ka Tirsan

Araweelo News Network.

 

Marwo Kaltuun Oo ka Mid Ah Komishanka Qaranka Oo ka Hadashay dadka Xaqa U Leh Diiwaangelinta

Burco(ANN)-Diiwaangelinta ayaa si rasmi ah saaka uga bilaabantay goboladda Togdheer iyo Sanaag, kaddib markii shalay lasoo geba-gebeeyay hawshii wacyigelinta.

Marwo Kaltuun Sh. Xasan oo ka mid ah xubnaha guddida doorashooyinka oo hawlaha diiwaangelinta u joogta goboladda ay ka bilaabantay saaka, ayaa sheegtay in muddo Afar maalmood ah ay soconay diiwaangelintu.

Marwo Kaltuun Sh Xasan oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay diiwaangelinta Togdheer, Caynaba, Ceel-afweyn iyo Gar-adag, 27 December 2020, Image Araweelo News Network.

Waxayna usoo jeedisay dadka aan horre isu diiwaangelin inay ka faa’idaystaan fursada Afarta maalmood ah ee ay socoto hawsha diiwaangelintu.

“Afarta maalmood waxa ka faa’idaysanaya, qofkii markii hore aan helin fursadaa ee aan qaangaadhin, qofkii uu ka gubtay kaadhkii, qofka aannay hore ugu suurtagelin inuu qaato kaadhka oo is diiwaangeliyo amma dalka ka maqnaa, amma joogay, sadexdaa qof ayaa fursada afarta maalmood loogu talagalay.” Sidaa waxa tidhi, Marwo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka hadlaya cidda xaqa u leh inay is diiwaangeliyaan.

Marwo Kaltuun ayaa uga digtay dadka hore u haystay kaadhka ee isku daya inay mar kale is diiwaangeliyaan, iyagoo kaadhkoodu sax yahay in aannay khusayn diiwaagelinta afarta maalmood ah.

Haween safaf dhaa-dheer u galay si ay isaga diiwaangeliyaan goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta Somaliland ee gobolka Togdheer, 27 December 2020, Image .Araweelo News Network.

Sidoo kale, waxay sheegtay in tixgelin la siinayo dadka Kaadhku ka lumay iyo kuwa doonaya inay 23-ka degmo ee doorashooyinka mid u bedeshaan, marka laga reebo in qofku caasimada u kala bedesho goob doorasho, taas oo ay sheegtay in aan la aqbalayn, isla markaana waxay xustay in dadka kaadhku ka lumay iyo kuwa degmo kale u bedelaya la siinayo muddo 14 maalmood ah.

Ragga oo safaf dhaa-dheer u galay si ay isu diiwaangeliyaan goob ka mid ah goobaha diiwaangelinta Somaliland ee Togdheer, 27 December 2020, Image .Araweelo News Network.

Marwo Kaltuun waxay sheegtay in degmooyinka gobolka Togdheer iyo Caynaba, Gar-adag iyo Ceel-afweyn ay si rasmi ah uga bilaabantay, waxayna xustay in dadka hawsha wadaa yihiin kuwo hore uga soo shaqeeyay diiwaangelinta oo gacan fudud.

Komishanka doorashooyinka qaranka, ayaa shaaly magaalada Burco ku qabtay xaflad lagu daahfurayay Wajiga 3aad (Cluster 3) ee Diiwaangelinta Codbixiyayaasha, taas oo maanta si rasmi ah ugu bilaabantay guud ahaan Gobolka #Togdheer iyo Degmooyinka #Caynabo#Ceel_Afweyn & #Gar_adag, iyadoo diiwaangelintu soconayso sida ay ku shaaciyeen Komishanku jadwalkooda Afar maalmood oo noqonaya 27-30 ee December 2020).

Dhinaca kale, diiwaangelinta, ayaa hore looga sameeyay gobollada galbeedka Somaliland, iyadoo meelaha qaar la kordhiyay markii ay dhamaatay mudadii hore Komishanka doorashooyinku ugu qorsheeyeen, sida caasimada Hargeysa iyo Awdal, Saaxil iyo Gebilay.oo ay dad badan ka faa’idaysteen diiwaangelinta.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post