#Araweelo_News_Network.

 

Hargeysa(ANN)- Siyaasiga Cabduqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in aannay jirin wax la kala doorto oo qofku odhan karo kanaa wanaagsan iyo kanaa wanaagsan, isagoo ka hadlayay doorashooyinka Madaxtooyadda ee ay ku lamaan yihiin doorashada Ururada iyo axsaabta ee loo qoondeeyay innay Somaliland ka qabsoomaan 13 November 2024.

Cabduqaadir Jirde, wuxuu tilmaamay in arrimuhu aannay sidaa ahayn, balse arrinta meesha taal ay tahay Xukuumad iyo Xisbeeda oo fashilmay, isagoo yidhi, “Kulmiye 14 sannadood ayuu xukunka hayay, ragga Kulmiye maanta hoggaaminayaa waa kuwii Ina Cigaal caggaha qabtay ee ina Rayaale caggaha qabtay, laakiin annagu maanu qaban ee waanu iska deynay, maantana haddii aynu KULMIYE tallada u dhiibno inagaa gamcaheena isku dilay,” ayuu yidhi.

Muuqaalkan ka Daawo