X

Maxay Tahay Fariinta Gudidda Doorashooyinku U Direen Bulshada Somaliland

Farriinta Kommishanka doorashooyinka ee shuruuddaha murrashaxiinta u tartamaya doorashooyinka Wakiillada iyo golayaasha deegaanka Somaliland Image File Araweelo News Network 20 Feb 2021.

#Araweelo News Network.

Hargeysa (ANN)- Gudidda Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa Bulshada la socod siiyay Xarunta la hadalka ee Muwaadiniinta, taas oo ay balanqaadeen in muwaadiniintu  si sahlan ula soo xidhiidhi kartaan, isla markaana ka jawaabay waxyaabaha ay doonayaan in laga caawiyo.

Xarunta loo qorsheeyay in muwaadiniintu kala soo xidhiidhaan Komishanka Doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo lagala xidhiidhayo xaruntaa lambarka 318.

Kommishanku waxay ugu baaqeen Bulshada inay Kala xidhiidhi karaan wixii macluumaad iyo taageero ah ee ay uga baahan yihiin doorashooyinka. KDQ waxa uu ku dadaalayaa in uu ku siiyo adeegyo hufan oo tayo sare leh si loo adkeeyo kalsoonidaada iyo hufnaanta doorashooyinka. sidoo kale, haddii aad doonayso inaad wax ka ogaato qaabka aad u codaynayso muwaadin fariintan ka boggo. Halkan Riix:  Qaabka Codaynta Doorashooyinka

Wixii macluumaad dheerad ah  Booqo Mareegta KDQ Somaliland! [ www.slnec.net]

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post