X

Guddida Doorashooyinka Oo Xisbiyada Qaranka Kala Wareegay Liisaska Murrashaxiinta Buuxiyay Shurruudaha Ee Ka Tartamaya Gobolka Maroodijeex

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee (NEC), ayaa Saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, kala wareegay liisaska Murrashaxiinta u taagan doorashada Golaha Deegaanka ee Degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

 

Liisaska Murashaxiinta gobolka Maroodijeex ee saddexda Xisbi maanta gudbiyeen ayaa kala ah murashaxiinta u taagan Gollayaasha Deegaanka ee degmooyinka Hargeysa, Gabiley, Sallaxley iyo Balligubadle.

 

Af-hayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Buuni iyo xoghayaha guud ee xisbigaas Ibraahin Raabi oo watbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay komishanka doorashooyinka qaranka ku wareejiyeen dhammaan liiska murashixiinta xisbiga uga sharraxan doorashooyinka goleyaasha degaanka ee gobolka Maroodijeex.

Xoghaye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, ayaa isna sheegay in xisbigaas komishanka doorashooyinka qaranku ay si rasmi ah uga gudoomeen liiska murashixiinta xisbigaasi uga sharraxan degmooyinka Gobolka Maroodijeex.

Xisbiga Mucaaradka ah ee WADANI ayaa dhankiisa sheegay in ay guddida doorashooyinka ay ku wareejiyeen murashixiinta xisbigaasi ugu talo galay in ay u tartamaan doorashooyinka deegaanka.

17  March 2021, ,Maanta oo Arbaca ah, ayay ku ekayd muddadii uu sharcigu jidaynayey ee Guddida Doorashooyinku u qabteen saddexda Xisbi inay ku soo xereeyeen liisaska murrashaxiinta Gollayaasha Deegaanka ee dalka.

Sharcigan ayaa jidaynaya in liisaska murashaxiinta ee loo gudbiyey Guddida doorashooyinka ay ku lifaaqan yihiin shuruudaha iyo dokumentiyada murrashaxiinta looga baahan yahay oo ay ka mid tahay waraaq caddeynaysa in murashaxu bixiyey Lacagta Deebaajiga ee looga baahan yahay iyo weliba shuruudo kale.

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post