Araweelo News Netwok

mujsiciidshugri

Hargeysa (ANN)- Aqoonyahan Siciid Shugri Xuseen waxa uu yahay guddoomiyaha madxafka Saryan Museum oo noqonaya madxafkii ugu horeeyay ee laga hirgeliyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Madxafkan ayaa laga helayaa taariikhihii kala duwanaa ee Jamhuuriyadda Somaliland soo martay xiliyadii gumaystihii Ingiriiska, taariikhdii midowgii aan cilmiga ku dhisnayn ee dhexmartay Somaliland iyo Soomaaliya sannadkii 1960-kii, dhibaatooyinkii ay ummadda Somaliland ka dhaxashay israacii Somaliland iyo Soomaaliya.
Waxaa kale oo madxafkan laga helayaa halgankii hubaysnaa ee ururkii SNM horseedka ka ahaayeen, go’aankii dib ula soo noqoshada madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland, horumarka ay ku talaabsatay Somaliland, agabka hidaha iyo dhaqanka ee bulshadeena baadi soocda ay u lahayd, kagana duwanayd shucuubta kale ee adduunka ku dhaqan. Siciid Shugri Xuseen waa aqoonyahan, waana mujaahid ka soo qaybqaatay halgankii dib u xoraynta waddanka, isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay qaar ka mid ah xukuumadihii isaga kala dambeeyay xukunka Somaliland,waxaa kaloo uu noqday aasaasihii madxafka Saryan Museum oo ka dhisan caasimadda Hargaysa.
Waxa kaloo uu sharaxay sababihii ku dhaliyey inuu dhidibada u taago madxafkan, isagoo qodobadan iyo kuwo kaleba ku faahfaahiyey xogwaran dhinacyo badan leh oo uu siiyay barnaamijka ku dayo muwaadinkaaga danta guud waxa weyn ka soo qabtay rubuc qarnigii tegay ee uu soo saaro aqoonyahan Rashiid Sulub Caalin.
“Waa wakhti dheer, wuu igu dhamaa tan iyo intii aan dhallinyarada ahaa,xiligii halgankii ayuu igu sii xoogaystay waxaanu qorshahaygu ahaa sidii aanu u lumi lahayn dhaqankii ummadani lahayd iyo halgankii aynu soo marnay, taariikhda madxafkani wuxuu ka soo dhex maaxayaa xiligii gobonimo-doonka, markii aynu xornimada qaadanay ee aynu quusnay badweyntii Soomaaliya iyo tii halgankii SNM, saddexdaas qodob ayuu madxafkani koobsanayaa amase tiirarka uu ku taagan yahay ay noqonayaan,” ayuu yidhi Siciid Shurgi oo ka hadlayey sababata ku dhalisay inuu aasaaso madxaf lagu kaydiyo taariikhda.
Waxa kaloo uu ka hadlay sidii uu ku soo ururiyay isaga iyo kooxdiisu agabka la dhigayo madxafkan, waxaannu yidhi; “Soo uruurintu ma aha wax fudud, waana arrin miisaankiisa leh oo meel walba aad u galayso, cid wal oo wax haysana aad ka daba tagayso, waxyaabo badan helitaankoodu wuxuu kugu kelifayaa inaad meelo dhaadheer ka doonto, runtiina inta badan wax bilaash kuma yimaadaan, waayo dadka tabaruca keenaa waa yar yahay, laakiin waxaanu awooda saarnay kolba wixii la heli karo sidii aanu u heli lahayn, xaruntuna maanta meel wanaagsan ayay maraysaa oo inta badan qaybihii aasaaska u ahaa way dhisan yihiin.”
Guddoomiyaha Mad-xafka Saryan ee caasimadda Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay mas’uuliyiin iyo shakhsiyaad kale oo gacan ka siiyay inuu hindisahani midho-dhalo, waxaanu yidhi; “Wixii aan doonayay ee qalbigayga ku jiray Ilaahay wuu ii suurtogeliyay, balse waxaa mudnaanta leh maadaama anigu aanan dhulka laga dhisay madxafkan lahayn inuu ii fasaxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo isaga iyo xubno ka mid ah wasiirradiisa, sida marwo Samsam Cabdi Aadan (Wasiirka Maaliyadda) iyo wasiirkii hore ee madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo intooduba gacan buuxda iga siiyay, isla markaana igu taakuleeyeen sidii fikradani u hano qaadi lahayd, al xamdulilaah meel wanaagsan ayay maantana maraysaa, waxaa kale oo xaga ra’yiga iga caawiyay dad badan oo aan ka soo qaadi karo marxuum Axmed Cabdi Dacar oo dhawaan geeriyooday Ilaahay ha u naxariisto, waxaa kaloo ka mid ahaa guddoomiye Muuse Biixi, Maxamed Kaahin, Yuusuf Cabdi Gaboobe, Cabdiraxmaan Dhool-dahable iyo dhallinyaro kale oo ururkii SNM aanu ku wada jirnay.”
Waxaa kaloo uu caddeeyay in dhinaca maaliyadda ay gaar u ahayd isaga, isla markaana aanay jirin cid gacan ka siisay, waxaanu xusay in wixii maal ah ee madxafkan kaga baxay aanay qiimo ugu fadhiyin isaga, balse waxa ugu qaalisan ee uu ku iloobayaa ay tahay sida uu yidhi inuu sameeyay goob lagu xasuusto saaxiibo badan oo dalkan u soo halgamay dhiigoodana u shubay, isla markaana in badan oo ka mid ahi ay maanta inaga hooseeyaan oo geeriyoodeen.
Mr. Siciid Shurgi, ayaa sheegay inuu isagu yahay qofkii fikirkan lahaa, balse ay noqonayso xaruntani mid dhaxalkeeda ummadda Somaliland u aydo oo intifaacsato, waxaanu ugu baaqay bulshada inay u baahan yihiin cid kasta oo agab taariikheed madxafkan kaga qayb qaadanaysa waxaanu xusay in dad badan oo ay ka mid tahay xaaskiisu ay miyiga u baxeen, isla markaana ka soo uruuriyeen waxyaabihii hidaha iyo dhaqanka aynu u lahayn, isagoo intaas ku daray inay jiraan rag tabarucaad keenay isagoo tusaale u soo qaatay muwaadin Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo oo xarunta u keenay qoraalo document ah oo ah wixii laga qoray Somaliland iyo Soomaaliya soddonkii sanno ee u danbeeyay, sidoo kale wuxu xusay Cabdi Ismaaciil Duse iyo rag kale oo u keenay daraasad badan.
Siciid Shugri waxaa kaloo uu ka hadlay inay jiraan wax caqabad ah oo kala soo dersay muddadii uu ku dhex jiray aasaaska iyo dhidibo u taagida madxafkan, waxaanu yidhi; “Run ahaantii wax fikirkan igaga hor yimm maan arag, laakiin dad ayaa markii aan meesha dhisayay kolba magacyo ku sheeg sheegi jiray, balse waxaan aaminsanahay in dadka loo sharxo waxan la qabanayo xaqiiqo ahaana wax kasta oo wanaag ah oo la samaynayo wax kale oo ka soo hor jeeda ayaa garab socda, kuwaas oo doonaya inay dadka xaqiiqadii ka weeciyaan, laakiin haddii ay dhacdo cid ka hor timaada waynu soo dhawayn oo dhanka wanaagsan ayaynu ka tusi anagoo u sharxi doona waxaanu qabanayno wuxuu yahay.”