X

Taariikhda Geli : Gabay Geeridii Suxufiga Caanka Ahaa Marxuum Cawke Ka Hadlay

Waxa Curiyay: Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)

Tixdan waxaan ugu baroordiiqayaa, inuu Eebbe naxariistii janno ka waraabiyo, marxuumkii, saxafigii, bashaashkii iyo geesigii cod karka ahaa ee Axmed Xasan Sh Suufi Cilmi (Cawke) oo 17kii Noofember ku geeriyooday magaalo madaxda kilalka shanaad ee ismaamul deegaaneedka soomaalida Itoobiya. In kastoo ay kediso ahayd, yeelkee intaa Ilaahay aqbalkeeda qabriga hawgu geeyo ayaan uga gaadhsiiyey. Waa uun duco isaga iyo kaalintiisii ah tixdani. Ilaahay haw naxariisto oo jannadii haka waraabiyo marxuumka, ehelkii, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan haka siiyo.

Akhris wacan :

Maansooy gablalax
Erayahow godloo
Qalbiyoow guddoon
Geerida dhacdiyo
Dhiillada gal timid

Jidhkoow gaylamoo
Afkoow juuqda goo
Ilmooy guuxa daa
Goblanaye dadoow
Cawke geeriyoo
Alla gacal muxuu
Gobeey soorayoo
Gaawaha u culay
Nin aan gudin abaal
Iyo geesi rag ah

Gabbal dhacay ahaa
Gobol dumay nin oo
Guulaystay iyo
Ruux noo golmoon
Inoo wada gudboon
Dad gardaadshe iyo
Farxad goohaysiyo
Geesi aan la jarin
Geed aan liicinoo
Guulihiis jeclaa

Meel aan gaade jirin
Maxay timid god-dhigi
Goor aan loo xilnayn
Maxay gaadhay ruux
Aan gaar ahayn
Geeriyeey wakaa
Aad goysay idil
Gadh-caddaa na jecel
Ruug-caddaa gu’ weyn
Oo aanad geyin

Inaan ooyo gare
Maxay goynaysaa?
Godka maan la geli?
Camal miyaan u geyn?
Gooraysadaa
Nageeyoow dabrane
Geesaa galbaday
Aqoon baa guddoo
Cilmi baa is guray
Guureeyay oo
Daba galay cabbaar
Mase gaadhayaa
Waa goor Alle e’

Ilaahoow godkiyo
Gurigiisa nuur
Aakhiro guddoon
Oo geli jannada
Geesi buu ahaa
Gadh-wadeen ahoo
SOOMAALI geya
Oo u wada gudboon
Taariikhda geli
Inuu dumay geyiga
Ruux galay abaal.

Wabillaahi tawafiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/