X

#Somaliland: Furitaanka Bandhiga Carwadii 16aad Ee Hargeisa International Book Fair

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa (ANN)-Munaasibadda bandhiga Buugaagta ee Carwadii 16aad ee (Hargeisa International Boof Fair), ayaa maanta ka furantay Magaalada Hargeysa, taas oo sannad walba la qabto, isla markaana si weyn loo abaabulay sannadkan 2023.

Furitaanka Carwada 16 ee #HIBF Hargeisa Interntaional Book Fair, 22 July 2023, Image Araweelo News

 

  Carwada Bandhigga Buugaagta Hargeysa, ayaa ah mid sanad walba si xidhiidh ah loogu qabto Hargeysa , taas oo noqonay carwadii sannadkan tii 16-aad ee lagu qabto Hargeysa.

_

Ka Qaybgalayaasha Furitaanka Carwada 16 ee #HIBF Hargeisa Interntaional Book Fair, 22 July 2023, Image Araweelo News

 

 

Bandhigga Buugaagta Hargeysa ee Carwada ayaa soconay Muddo Toddobaad ah, 22 -27 July 2023, waxaana furitaanka ka qaybgalay  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), Wufuud ka socotay Midowga Yurub, Afrika, dalalka Afrika sida Maroco, marti sharaf kale iyo Masuuliyiin ka mid ah Xukuumadda Somaliland, qoreyaal, Suugaanyahano iyo Boqolaal qof oo ka mid ah Bulshada qaybaheeda kala duwan ee xiiseeya Buugaagta.

The Opening of the 16th Hargeisa International Book Fair in Hargeisa , Image @Araweelonews 22-27 July 2023.

Guddoomiyaha Hay’adda Xuquuqda Aadamaha Qaranka Somaliland, Maxamed Baaruud Cali oo ka hadlaya Furitaanka Carwada 16 ee #HIBF Hargeisa Interntaional Book Fair, 22 July 2023, Image Araweelo News

 Guddoomiyaha Xarunta dhaqanka Hargeysa Dr. Jama Muse Jama oo sannad walba soo qaban-qaabisa Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, ayaa ka warramay maraaxilkii ay soo martay iyo heerka ay marayso Maanta oo la qabtay markii 16-aad, waxaanu sheegay in Muddadii la qabanayey Carwada Buugaagta ay ka faa’ideen dhalinyarada Somaliland, fikir ahaana u Koreen, sidaa darteedna ay iyaguna dedaalkooda halkaa ka sii wadayaan “16 Sano oo aynu dhisnay Hoyga Aqoonta iyo akhriska, Maantana uu taabbo-qaaday midho-dhalkeedii, waad arkaysaan inay soo baxeen dhallinyaro waxyigoodu sarreeyo, akhriskooduna dhisan yahay..” ayuu yidhi Jaamac Muuse Jaamac, waxaanu intaa ku daray oo uu ka warramay dedaalkooda la xidhiidha horumarinta dhalinyarada iyo Aqoonta, taasi oo qayb weyn ka qaadanaysa horumarka Somaliland ee Mustaqbalka “Waa 16 Sano oo isku xidhay Somaliland iyo Adduunka..” ayuu yidhi, “Xaruntani waxay noqotay Daaqad ay ka daawato Adduunyada inteeda kale, sida Adduunyadu wax u qorto, siday Adduunyadu u fikirto, daaqaddaas oo saamaxday in Adduunyadu aragto Somaliland..”

Jaamac Muuse Jaamac wuxuu sheegay in muddadaa 16-ka sano ah ay Xarunta ku marti-qaadeen tobanaan Wufuud ah oo ka kala socda Dalalka.Afrika iyo meelo kale.

Dr’s. Edna Aadan Ismaaciil oo ah Ergayga Wada-hadallada u qaabilsan Somaliland oo halkaa ka hadashay, ayaa bogaadisay dedaalka Xarunta dhaqanka iyo Hawl-wadeennadeeda uu Hoggaamiyo Jaamac Muuse Jaamac, waxayna u soo jeedisay inay dedaalka halkaa ka sii wadaan.

Maayirka Caasimadda Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay Marti-sharafta dalalka shisheeye ka yimid ee ka qaybgalay Bandhigga Carwada Buugaagta Hargeysa, isagoo sheegay inuu ku faraxsan in Magaalada uu Maamulo lagu qabto bandhiggan sannadlaha ah ee kulmiya wufuudda Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, si ay muddada bandhigo soconayo isku waydaarsadaan Aqoon iyo waayo-aragnimo.

Furitaanka Carwadan oo sidoo kale ay khudbado muhiim ah ka jeediyeen aqoonyahanno ka kala socday Yurub, Afrika iyo Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore ayaa waxa kale halkaa ka hadlay Professor Lamumba, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay In lagu marti-qaaday Bandhigga Buugaagta Hargeysa oo uu ku tilmaamay madal Aqoon la isku waydaarsado.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa bogaadiyey Xarunta dhaqanka, waxaanu sheegay in xarunta dhaqanku heerkaa ku soo gaadhay Samir “Xarunta dhaqanku waxay halkaa ku soo gaadhay Samir iyo adkaysi..” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenku waxaanu intaa ku daray “Jaamac iyo Kooxdiisu dedaalkooda way joogteeyeen. Xarunta dhaqanku waxay qayb weyn cidda Somaliland Adduunka tusta ee Magaca Somaliland Adduunka gaadhsiisa..”

Waxa xusid mudan in bandhiggan inta uu socdo ay Khuburrada Caalamiga ahi dadweynaha la wadaagi doonaan Aqoon iyo Waayo-aragnimo la xidhiidha waxyaabaha ajandaha ku jira ee sannadkan la qorsheeyay in xarunta dhaqanku soo tebiso, isla markaana kulmisa dadyow kala duwan.

Muuqaalkan Ka Daawo Furitaanka Carwada 16aad Ee #HIBF

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post