X

Qiso Cajiiba: ‘Waxaan Qorsheeyey in aan Islaamka Burburiyo, Balse Waan Muslimay”

Araweelo News Network

Dunida waxa soo muslima dad aad u badan. Waxa keena in ay diina Islaamka qaataan baadhis badan oo ay sameeyaan, kuwo kale mucjisooyin ay kala kulmaan dhaqanno ay ku kacaan.
Haddaba, Wargeyska Jamhuuriya , ayaa daabacay qisada ku saabsan haweenayda qorshaynaysay in ay kacdoon ku kiciso Islaamka, kana mid ahayd koox Maraykan ah oo dawladda la shaqeeya, laakiin diyaariya ajendayaal u gaar ah oo ay ku bartilmaameedsadaan muslimiinta iyo bulshada muslimku waxa ay u arkaan.
Qisadan oo lagu baahiyey mareeg la yidhaa Aboutislam.net waxa ay u dhacday sidan:
“Waxa aan sameeyey qorsheyaal; waxaan ka mid ahaa koox qorshe samaysa, Allena qorshihiisu leeyahay, Alle ayaa ah qorshe sameeyah ugu wanaagsan.
Markii aan ahaa dhallinyarada, waxa aan aad u soo jiitay koox dad ah oo ajendayaal khaldan watay. Waxay lahaayeen, welina leeyihiin urur ay isugu tageen shaqsiyaad guuldarraystay, kuwaasoo dawladda la shaqeeya, balse ajendayaal gaara hoosta ku wata oo ah in ay islaamka burburiyaan. Maaha koox dawladeed sida aan ka warqabo, waxay se isticmaalaan magac dawladnimo si ay ujeeddooyinkooda u dhaqaajiyaan.
Mid ka mid ah kooxdan ayaa ii yimi, waayo waxa uu arkay anigoo u doodaya, dhiirrigelinaaya, kana shaqaynaya xuquuqda haweenka. Waxa uu ii sheegay haddii aan oggolaado in aan xidhiidhka caalamiga ka barto Bariga Dhexe (Middle East) in uu shaqo iga siin doono Safaaradda Amerika ee Masar ku taal. Waxa uu iga rabay inaan halkaas tago si uu ii isticmaalo oo aan dawlad ahaan ula hadlo haweenka muslimiinta ah, kuna boorriyo in ay xuquuqdooda u doodaan, una dagaallamaan.
Waxa aan u arkayey in ay tahay aragti aad u wanaagsan. Waxaan TV-ga ka arkaa haweenka Muslimiinta; waan ogaa in ay sabool u badan yihiin, waxa aan damcay inaan ku hoggaamiyo iftiinka xorriyadda qarniga 20aad.
Hamigan dartii waxaan tegay Jaamcad si aan waxbarasho u bilaabo. Waxa aan bartay Quran, xadiis iyo taariikhda Islaamka (siirada). Sidoo kale, waxaan bartay habka aan u isticmaali lahaa macluumaadka aan helo. Waxa aan bartay si hadalka loo beddelo oo aan dadka uga dhaadhiciyo waxa aan doonayo in aan idhaahdo. Waxa ay ahayd hubayn aad u qiimo badan….. La soco….

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/