X

Nin Xaaskiisa ku Furray Qoraallo ay isku Waydaarsadeen Baraha Bulshadu ku Xidhiidho ee internet-ka

Riyadh(ANN)Nin u dhashay dalka Sucuudiga, ayaa xaaskiisa ku furay, kadib markii mareegaha bulshadu ku wada xidhiidho mid ka mid ah ku baahisay qoraal ay xidhiidhkooda wax kaga sheegayso iyo waliba qoraallo iyo gabayo uu aad uga cadhooday) sida uu daabacay wargeyska Al Hayat.
Ninkan, ayaa sheegay in xaaskiisu mareegta WhatsApp ugu soo dirtay farriimo ay shakhsiyadiisa wax kaga sheegtay, kadibna ay qoraalo kale taariikhda xidhiidhkooda wax kaga sheegayso si toos ah ugu baahisay baraha bulshadu ku wada xidhiidho (Social Media), taasina ay sabab u noqoday in xidhiidhkoodu kala go’o.
Farrimo jacayl uu u soo diray, wax jawaab ahna ay ka bixin wayday, sidaa darteedna ay ula muuqatay in aanay dan ka lahayn.
“Maaha markii ugu horraysay ee ay igu bahdisho baraha bulshadu ku xidhiidho ee internetka, waxaanay wax badan ka sheegtay xidhiidhkayaga, iyadoo macluumaad xidhiidhkayaga ku sasan ku baahisay mareegaha bulshadu ku wada xidhiidhaan, sidaa darteed hore waannu u kala xidhiidh furanay, sidaa darteed waxa aan go’aansaday in aan furo,” ayuu ninkan yidhi.
Khalid Al Halibi oo ah ku-xigeenka Xarunta Horumarinta Qoyska ee Gobolka Bari ee Sucuudiga, ayaa sheegay in baraha bulshadu ku xidhiidho ee internetku sababaan furiinka ugu badan waqtigan, haddii lammaanaha is qaba si ku baahiyaan iyagoo is aflagaadaynaya baraha bulshada ay khilaaf abuurto.
“Waxa ay gabadhan samaysay waa wax ay hadda ka qoomamaynayso, maadaama ay saygeeda ku cayday internetka, balse waxay ahayd in ninku uu gabadhiisa la xidhiidho si uu u ogaado waxa ay u jeeday,” ayuu yidhi Khalid Al Halibi.
Furriinka dalka Sucuudiga ee ay sababaan baraha bulshadu ku xidhiidho ee facebook, twitter iyo waliba whatapp ayaa kor u kacay, kuwaasoo keena in lammaanuhu wax fudud ku kala cadhoodaan, kadibna ay sidaa xidhiidhkoodu ku kala go’o.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/