Qormada 2aad
Awoodda siyaasadeed ee Afrikaan ku lahaayeen degaanka Deccan, gaar ahaan Janjira iyo Sachin oo dalka Hindiya ah waxay hoggaanka u hayey boqor Malik Ambar oo markii hore ahaa madaxa ciidammadii addoonta ahaa ee Boqor Jahangir.
Awoodda siyaasi ee Malik Ambar waxa ay ku noqonaysaa waqtigii loo yaqaanay boqorkan ‘Chapu.’ Sababtoo ah waxa addoon ahaan looga iibsaday Itoobiya, gaar ahaan waxa iibsaday ganacsade Carbeed, kadib waxa dib loo iibiyey dhawr jeer oo dambe, aakhirkii waxa la geeyey maamulkii Ahmadnagar oo ka mid ahaa meel ay isugu tageen boqollaal millaterigii la odhan jira Habshi ee addoonta ahaa.
Badhtankii qarnigii 16aad, ayaa boqortooyadii Mughals ay ku durkeen dhulka koonfureed ee Hindiya, waxaanay isku dayeen in ay arxan-darro ah u burburiyaan boqortooyadii Nizam shahi oo xukumi jiray degaanka Deccan badankiisa. Markii taariikhdu ahayd 16000 AD, ayaa Ahmadnagar galeen gacanta Mughals. Waqtigan Mughalis aad bay ugu yar yihiin degaanka Deccan, balse Ahmadnagar waxa ay ku hareeraysan yihiin dalka oo dhan, waxaana ciidammo badan la geeyey Nizam Shahi, waxana arrintaas qayb ka ahaa Malik Ambar.
Waxay ahayd waqtigii addoontii Afrika ee dhulkan ku kortay ay siyaasadda wax ka beddeshay, waayo waxay is baahaystay 3000 ciidan oo afantari ah, taasina waxay u saamaxday Malik Ambar inuu fahmo in Mughals carqalad ku yihiin awooddiisa, maadaama ay doonaayeen in Deccan ay la wareegaan. Waxa ay taasi keentay in Itoobiyaanku dagaal adag la galaan Mughals si ay u difaacdaan awoodooda.
Aakhirkii Malik Ambar waxa u suurtagashay inuu dhisto Janzira oo ku taal xeebta Konkan, gaar ahaan dhammaadkii qarnigii 16aad. Waqtigan dhismayaashii wali way taagan yihiin, waxana ilaaliya Hay’adda aataarta qadiimiga ah ilaalisa ee ASI (Archaelogical Survey of India). Intii ay Janjira ku sugnaayeen waxa Afrikaanka u hirgashay inay boqortooyo u gaar ah samaystaan (Waxa ay heleen ciidan millateri ah oo fardo, lug, hub iyo saanad kasta oo millateri oo xilligaas awood lahayd samaysatay), taasina waxay keentay in Mughals iyo Marathas ay ku guuldarraystaan in ay qabsadaan dhulkaas, iyagoo waliba weerarro joogto ah ku hayey.
Ugu dambayntii Afrikan Janjira waxa ay qabsadeen Sachin oo haatan la yidhaa Gujarat. Waqtigan xaadirka ah wali way sii muuqdaan raadadkoodii. Reza Khan oo asal ahaan ka soo jeeda boqortooyadaas waxa uu yidhi; “Magaca Nawab waxa la siiyaa awoowayaashay oo waxa u bixiyey boqorkii Mughal ee Aurangzeb, maadaama ay u oggolaan waayaan ninkii isaga la tartamayey ee Shivaji inuu qabsado Janjira.”… La soco…